Wasiiru Dawlaha Cusub Ee Wasaarada Qorshaynta Somaliland Oo Ka Dareen Celiyay Ansixintii Wasiirnimadiisa Ee Golaha Wakiiladu Shalay Ansixiyen

0
188

Hargeysa(SDN)Wasiiru dawlaha wasaarad qorshaynta qaranka Somaliland ee dhawaan madaxwayne siilaanyo soo magacaabay mudane Maxamuud Jaamac Aadan Galaal ayaa ka dareen celiyay sida uu arko xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ee shalay codka  gacan taaga ah ku ansixiyay wasiiru dawlaha wasaarada qorshaynta qaranka.

Waxaana mudane Maxamuud Jaamac Aadan Galaal uu u mahadceliyay golaha wakiilada isaga oo sheegay inay hawl qaran oo wayn ay dalka u hayaan sidoo kalena waxa uu u mahadceliyay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

 

Wasiiru dawlaha wasaarada qorshaynta oo dareenkiisa ka hadlaya aya waxa uu yidhi.

“Waxaan aad ugu mahadnaqayaa golaha wakiilada Somaliland gudashada xilkooda dastuuriga ah ee ay guteen ee ay nagu ansixiyeen, waxa kale oo an aad ugu mahadnaqayaa madaxwayaha Somaliland kalsoonida uu iigu igmaday hawsha wasiiru dawlaha wasaarada qorshaynta , wasaarada qorshayntu waa wasaarada aad iyo aad u muhima, waxaanan rajaynaynaa in waxqabad muuqda oo horleh aan aniga iyo wasiirada kale ee joogaba aan kasoo saari doono, waanay naga go’an tahay inaan dalka wax usoo sarno,saddexdayada wasiir ee wasaarada hada joognaba waxaan ka mid hayn wasiiradii arimaha dibada”Sidaas ayuu yidhi mudane Maxamuud Jaamac Aadan Galaal.

 

 

Hadalkan kasoo yeedhay Wasiiru dawlaha wasaarada qorshaynta qaranka ee dareen celinta ah kuna saabsan sida uu u arko ansixinta golaha wakiiladu ansixiyeen wasiirnimadiisa ayaa waxa uu ku sheegay mar ay Ramaasnews wax ka waydiisay arimahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here