Wasiiro Hargeysa Ku Soo Dhaweeyay Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsangali

0
127

Hargeysa(SDN)Waxa Maanta Magaalada Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyey Suldaanka Guud ee Beelaha Sanaag Bari iyo Gobolka Badhan Suldaan Siciid Suldaan Suld Cabdisalaan Suld Maxamuud Cali-shire, waaxana soo dhaweyntiisa ka qaybgalay wasiirro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo Dadweyne kale oo aad utiro badan.

Gaadiid tiro badan oo Dadkii Suldaanka soo Dhaweynayey wateen ayaa suldaan kaga hortagay Deegaanka Halleeya Ee Bariga Magaalada Hargeysa, waxana Halkaas Hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyey madax dhaqameed tiro badan kuwaas oo sheegay inay suldaanka kusoo dhaweynayaan Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa tilmaamay inuu si kal iyo laab ah Suldaanka usoo dhaweynayo, isla-markaana ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay wada shaqayn dhaw yeeshaan.

Wasiirrada wasaaradaha, caafimaadka iyo Duulista Hawada Saleebaan Xaglo-toosiye iyo Maxamuud Xaashi oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa iyaguna dhankooda xusay inay heegan la yihiin sidii ay suldaanka ula shaqayn lahaayeen.

Dhinacooda Madax-dhaqameedkii soo dhaweyntaas ka qaybgalay, ayaa dareenkooda cabiray, waxana ay tilmaameen inay suldaankan oo miisaan culus ku leh Bulshada Soomaaliyeed caasimadda Hargeysa kusoo dhaweynayaan.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali-shire, ayaa kamid ah Salaadiinta u dhalatay Gobolka Sanaag, isla-markaana saamaynta ballaadhan ku dhex bulshada Soomaaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here