Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Cali Waran Cade Oo Xilkii Ku Wareejiyey Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Arimaha Gudaha

0
155

Hargeysa(SDN)Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey wasiirka cusub ee dhawaan madaxweyne siilanyo u soo magacaabey xilka wasaaradaasi Muddane Yasiin Faratoon.

 

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey xafladan xil wareejinta ah ayaa waxaa ay ka dhacdey barxada hore ee wasaradaasi waxaana  ka soo qeyb galay  masuulyiin kala duwan oo isku jira , wasiiro , xildhibaano , hogaanka xisbiga kulmiye , qaar ka  mid ah maayarada iyo badhisaabada dalka , cuqaal , saladiin , saraakiisha ciidamada kala duwan iyo masuuliin kale .

 

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadley agaasimaha guud ee wasaradaasi  Amp.Cabdifataax waxaana uu ka war bixiyey shaqada ay wasaardani  qaranka u qaabilsan tahay iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay wasaardani gaadhey.

 

Sidoo kale waxaa munaasibadan ka hadley masuulyiin badan oo ay ka mid yahiin wasiiro ,mayaarka caasimada , Badhisaabka gobalka Togdheer, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye , haayadaha ay wada shaqeynta leeyihiin wasaaradan , cuqaal saladiin iyo  masuulyiin kale waxaana ay madasha ka yidhaahdeen hadlo ay ku sii sabootinayan wasiirkii hore isla markaana ay ku soo dhaweynayaan  wasiirkan cusub .

 

Gabo gabadii waxaa madasha hadlo ka yidhi wasiirkii  hore ee wasaarada arimaha gudaha isla markaana hada laga dhigay safiirka Somaliland ee Dalka Ethopia muddane Cali Maxamed Waran Cade waxaana uu sheegay in uu aad u faraxsan yahay in uu maanta xilka wasaaradii uu hayey ku wareejiyo masuul ka soo jeeda gobalada Bariga  Somaliland isla markaaana uu ku qanacsan yahay xilka uu madaxweyne Siilanyo u magacaabey ee  ah safiirka dalka Ethiopia

 

Ugu danbeyn waxaa madasha hadlo ka yidhi wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Muddane Yasiin Faratoon   waxaanu uu alleh ka baryey in xilkasi cusub ee aadka u culus in alleh loga baryo in uu u fudeydiyo isla markaa uu isna ku da dali doono sidi uu qaranka ugu shaqeyn lahaa

 

 

IMG_6194 IMG_6197 IMG_6200 IMG_6201 IMG_6204 IMG_6213 IMG_6216 IMG_6222 IMG_6224 IMG_6227 IMG_6232 IMG_6236 IMG_6237 IMG_6240 IMG_6241 IMG_6247 IMG_6248 IMG_6249 IMG_6256 IMG_6257 IMG_6266 IMG_6269

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here