Wasiirka Waxbarashada Iyo Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Ayaa Maanta Si Rasmi Ah U Kala Amba Bixiyey Madaxda Imtixaanaadka Gobolkada Dalka.

0
744

Hargeysa(SDN)Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Xaaji Xiir Faratoon oo uu weheliyo gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daauud Axmed Faarax ayaa maanta si rasmi ah u kala amba bixiyey madaxda imtixaanadka ee gobolada dalka kuwaasi oo sii nayey tilmaamayaal iyo waliba hadalo u badnaa waano oo ah in ay dhamaan madaxdaasi ay yihiin masuuliyiin qaaday shaqo qaran si cadaalad iyo sinaan ahna ay u gutaan waajibaaadkooda shaqo.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay madaxa Hayada African Education Trust ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano AET Xasan Embassy kaasi oo sheegay in ka hayad ahaan ay si weyn u garab joogaan markasta xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo si loo helo imtixaan si cadaalad ah oo wada jir ah loo qaado waxaanu u sheegay gudoomiyahaashii iyo madaxdii kale ee goobta ku sugnaa in ay tahay muhiim cadaaladu kaasi oo taabtay in ay tahay waxa ay u mada u hayaan shaqo qaran markaa ay sis are iskugu xil saaraan.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xafiiska imxtixaanaadka qaranka Daauud Axmed Faarax  kaasi oo dar-daaran adag faray madaxda imtixaanaadka ee ku halwan ilaalinta iyo kormeerida imtixaanaadkaasi waxaanu sheegay in ka xafiis ahaan ay sanadani wax badan xooga saarayaan waxa kale oo uu tilmaamay in ay tahay masuuliyada guud oo si wada jir ah looga wada shaqeeyo kaasi oo geb –gebadii duco iyo nabad qab u rajeeyey shaqaalaha iyo madaxda imtixaanadkaasi qaadi doona ee u kala baxayey dhamaan gobolada dalka.

 

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Mudane Yasiin Xaaji Xiir Maxamuud Faratoon kaasi oo ku baaqay in ay sanadkani soo kordhin doonaan Gal/File loo samayn doono dhamaan kormeerayaasha iyo gudoomiyahaasha imtixaanaadka si loogu qiimeeyo sanad walba si loo helo cida hawlkarka,daacadnimada iyo aqoonta u leh ilaalinta iyo qaadida imtixaanka waxaanu si adag u sheegay in ay si adag looga soo baxo masuuliyadaasi ay qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here