Wasiirka Wasaarada Cadaaladda JSL Oo Kormeer Ku Tagay Xabsiga Gobolka Gabiley

0
97

Gabiley(SDN) Wasiirka wasaarada cadaalada JSL Cabdirisaaq Cali Cabdi oo ay weheliyaan madaxda Gobolka Iyo kan dagmada Gabiley ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay xabsiga gobolka gabiley waxaanu warbixin ka dhagaystay Taliye xigeenka xabsiga gobolka gabiley Laba xidigle Cabdiraxmaan Maxamed Daahir oo u sheegay baahiyaha kala duwan iyo xaalada uu ku sugan yahay xabsiga gobolka Gabiley.

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay Maayirka degmada gabiley Maxamed Aamin Cumar oo sheegay in xabsiga gabiley uu yahay mid qaranka door muhiim ah ka qaatay dhanka xabsiyada waxaanu sheegay in uu yahay xabisga kaliya ee u gaar ka ah haweenka kaasi oo wasiirka iyo xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in ay si gaar ah u eegaan baahiyaha kala duwan ee ka jira xabsiga gobolka oo ay ugu weyn tahay balaadhinta xabsigu.

Gudoomiyaha gobolka Gabiley oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka gudoomiye ahaan ku faraxsan yahay, in wasiirka wasaarada cadaaladda JSL uu kormeer kiisii ugu horeeyey ku yimaado xabisga gabiley waxaanu sheegay in xabsigu uu yahay mid balaadhan oo ay ku jjiraan maxaabiis aad u tiro badan oo u baahan daryeel iyo dhawrid gaar ah waxa kale oo uu xusay in baahida u weyn ee xabsiga gobolka gabiley ay tahay in la balaadhiyo hadana ay meel wanaagsan marayso.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada cadaaladda JSL Cabdirisaaq Cali Cabdi waxaanu sheegay in dhamaan baahiyahaas uu indhihiisa ku soo arkay wax laga qaban doono, ayna muhiim tahay in la daryeelo maxaabiista ku xidhan jeelasha dalka oo masuuliyad gaar ah ay ka saaranta wasaaradda cadaaladda waxa kale oo uu xusay in balaadhinta xabsiga gobolka gabiley sida uu kormeerka ku soo arkay ay dar-dar galin doonaan sidii loo dhamaystiri lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here