Wasiirka Maaliyadu Dhaqankii Caruurtuu Leeyahay!!!

0
1588

Wixii xafiiskiisa ka dhaca ayuu bulshada la wadaagayaa oo kol ba meel ku soo qorayaa, laba arrimood baana iiga baxay qoraalladii uu baahiyay. Waa midda ugu horreysee in uu damacsan yahay inuu madaxweynaha Muuse Biixi farriin baraha bulshada u mariyo, si madaxweynuhu ugu arko qofka ugu daacadsan ee golaha wasiirrada ku jira.

 

Waa arrinta labaade in ay tahay xilkii ugu mugga weynaa ee uu qabto taasina ku keentay salbabakh oo uu sidaa darteed, wixii isaga iyo dadka xafiiska ugu yimaadda uu warbaahinta ugu soo qorayo. Waxa Alle mahaddii ah farriin maalin dhoweyd aan halkan mariyay oo ahayd in wax la baro wali ba habka maamuuska dawladnimo la baro dhallinyarta Golaha wasiiirrada ee xilku ku cusub yahay in Alle garansiiyay Madaxweynaha oo hadda tababar u socdo. Isla layligaa ayaan filayaa in ay ugu jiri doonto in uu Masuulku wixii xafiiska ay cid isku yidhaahdaan ay arrin gaar ah tahay oo aanay u baahnayn in dadka la ogaysiiyo,

Qoraalladiisii waxa ka mid ahaa:-

“…dad badan ayaa ii yimi, waxay igu yidhaahdeen gurigaaga iskaga guur oo kirayso mid qasri ah. Anna waxan ku jawaabay maya..”

“…dad badan ayaa igu yidhi “Xoghayayaasha iyo askarta ba iska badal oo ka dhigo qaar aad isku qolo tihiin” Anna waxan ugu jawaabay maya..”

“…ganacsato badan ayaa ii timi iyaga oo iila yimi qorshayaal khaldan oo wax u dhimaysa habsami u socodka wasaaradda oo aan ka diiday…”

“…Waxan ku dedaali doonaa in boos walba loo dhiibo qofka u qalma “Right person; right posiiton”. Uma baahnin kan ayaan isku qolo nahay, reerkayaga ayaa booskan lahaa iwm…”

WQ-Cabdinaasir Axmed Ibraahim

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

SuradNews Kama Masuul Ah Aragtiyaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here