Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ku Hungoobay In Si Wacan Loogu Qaabilo Haama Shidaalka Oo Wasakh Ciir-Ciiraya

0
2997

Berbera(SDN)Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ku Hungoobay In Si Wacan Loogu Qaabilo Haama Shidaalka Oo Wasakh Ciir-Ciiraya kaasi oo kulankaasi la qaatay maamulka kaydka haamaha shidaalka berbera wararka soo baxaya ayaa sheegay in madaxtooyada somaliland ay ku qasabtay in uu xal ka keeno sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada baahsan ee uu keenay shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay oo wasaarada maaliyada iyo xarunta lagu baadho shidaalku ay qayb weyn ku lahayeen.

Geesta kale warar kale oo isasoo taraya ayaa sheegaya in wasiirka maaliyada somaliland Mr Yuusuf uu wado qorshe uu ku habaabinayo indhaha bulshada kaasi oo sameeyey waax ka shaqaysa sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa muuqaalo casri ah oo qaar kood aanay jirin oo ay yihiin mal-awaal gacanta lagu sameeyey si ay dadku u aaminaan in uu yahay wasiir aad u shaqaynaya.

 

Ciise Cali Mahdi
Suradnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here