Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ku Fashilmay Xilkii Uu Hayey Kadib Siyaasad Xumo Weyn Oo Soo Wajahday

0
796

Hargeysa(SDN)Qaar ka mid ah hormuudka ciyaartoyga gobolka Sanaag oo shir jaraayid oo ay qabteen ku sheegay in ay tabasho weyn ka qabaan dhaqaalihii lagu horumarin lahaa dhaalinyarada gobolka Sanaag uu is hor istaagay wasiirka Maaliyada somaliland kaasi oo mudooyinkii u danbeeyey wasaarada ka dhigay mid uu sida uu rabo u maamulo taasi oo aad uga cadhaysiisay Xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaana soo baxaya ifafaale lagu badalayo wasiirka maaliyada Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi.

Hadab cabashadani ayaa ah mid ay dhalinyarada gobolkaasi ay si weyn uga cabanayaan In uu is hortaagay oo uu diiday in ay gaadho dhalinyaradaasi si kor loogu qaado is dhex galka iyo horumarinta ciyaaraha waxaana ay sheegeen dhalinyaradaasi in ay cabashadooda ay rabaan in si dag dag ah uu uga soo jawaaabo Madaxwayne Muuse Biixi oo ku ololayn jiray in uu sarayn doono sharcigu.

Geesta kale waxa ay tilmaameen in wasiirka wasaarada ciyaaraha oo qayb ka ah joojinta kor u qaadida dhalinyarada isagana ay baaq laxaad leh u soo jeedinayaan si ay dhalinyarada gobolka sanaag mar uun u heli lahayd wasiir u heelan wax ka qabashadooda dhanka ciyaarah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here