Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Oo La Filayo In Uu Tago Maamul Goboleedka Puntland Iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Ku Hawlan Badalaada Wasiirkaasi

0
186

Hargeysa(SDN)Wasiirka Wasaarada kaluumaysiga Iyo khayraadka badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed oo cabasho laxaad leh ay ka muujiyeen shaqaale hoosaadka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badaha ayaa waxa si buuxda u soo baxaysay in wasiirku uu ka mid yahay xubnaha ugu dhadhaw ee laga filayo isku shaandhaynta la filayo in la sameeyo dabayaaqada sanadkani 2015.

 

Cali Jaamac Faarax Buureed oo hore u soo ahaa wasiir ka tirsan maamul gobeleedka Puntland ayaa ka mid ah dadka iskaga dhex socda labadani deegaan kaasi oo ajandihiisa kowaad uu yahay in uu ahaado wasiir ka tirsan hadba xukuumadaha kala duwan ee ka jira goobahaasi,wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland oo qiimo balaadhan ugu fadhida Somaliland ayaa waxay u muuqataa mid qiimihii iyo milgihii ay Somaliland u lahayd uu lumay.

 

Tan iyo Intii loo magacaabay wasiir Cali Jaamac Faarax Buureed ayaa waxya isku badashay goob aan dhaq-dhaqaaqa shaqo aan si habsami ah u socon taasina waxay cadayn buuxda u tahay in ay hoos udhac weyni ku imid shaqadii wasaaradaasi.

 

 

Wariyaha Shabakada Wararka ee suradnews.com oo booqday xarunta wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland ayaa waxa ay indhahaygu qabanayeen Intii aan goobta ku sugnaa xafiisyo madhan oo qalabka iyo adeega xafiiskaasi uu dhamaystiran yahay iyo hawlwadeenadii ka shaqaynayey oo ka mashquulay hawshoodii shaqo iyo masuuliyiinta wasaarada ooh al xafiis iskugu biyo shubtay.

 

 

Xubno ay isku dhadhaw yihiin xukuumada Somaliland iyo qasriga madaxtooyada ayaa sheegay in la badalayo wasiir Cali Jaamac Faarax Buureed kaasi oo noqonay mid ay xukuumadu ku doonayso in ay wax kabadal ku samayso xubnaha golaha wasiirada ee qaybo kamid ah ay fadhiid noqdeen.

 

 

Warar soo baxaya ayaa sheegay in uu ka war qabo arintaasi wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo kayraadka badaha Cali Jaamac Faarax Buureed laakiin taa badalkeedu waxa ay tahay in xil looga magacaabayo maamul goboleedka Puntland oo uu hore uga soo ahaa Wasiir.

 

 

Warbixin Kooban Cumar C/Risaaq Cali
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here