Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Wasiir Ku Xigeenka Cusub Iyo Wasiir Ku Xigeenkii Hore

0
167

Hargeysa(SDN) xaflad balaadhan oo lagu qabtay gudaha wasaarada gaashaandhiga Somaliland oo ay xilka kula kala wareegayeen wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada Jaamac C/laahi Biin Iyo wasiir ku Xigeenka cusub ee wasaaradaasi Boos Mire Maxamud ayaa waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Dhamaan shaqaale weynaha wasaarada gaashaandhiga, wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami  haydaha, garsoorka, xeer-ilaalinta iyo marti sharaf kale.

 

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada gaashaandhiga mud Jaamac C/laahi Biin kaasi oo ku dheeraaday in wasaarada gaashaandhigu tahay wasaarad qaranka shaqo weyn u haysa taasi oo ay joogaan shaqaale u tababaran shaqada ay hayaan kuwaasi oo midaysan waxa kale oo uu sheegay in ay mihiim tahay isku xidhnaanta wasiirka iyo shaqaaluhu ay kor u qaadi karto shaqada ka socota wasaarada.

 

wasiir

Geesta kale waxa isna goobta ka hadalay wasiir ku Xigeenka cusub ee wasaarada gaashaandhiga mud Boos Mire Maxamud oo sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadan cusub ee madaxweynaha jamuuriyada Somaliland u igmaday kaasi oo sheegay uu soo dhawaynayo Dhamaan shaqaalaha wasraada gaashaandhiga kana rabo wada shaqayn wanaagsan oo taabo qaada.

 

boos

Gabo-gabadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna ka hadlay sidii habsamida lahayd ee uu ula soo shaqeeyey wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradu wasiir ku xigeenka cusubna ay hore u soo wada shaqeeyeyn kaasi ku soo dhaweeyey wasaarada gaashaandhiga, waxaana hadaladisii ka mid ah (‘’ qolada milatariga layskama dhigee waa loo dhashaa meeshayaduna waa iska muuqataa in ay tahay xero ciidan lkn waanu ku soo dhawaynaynaa wasiir ku Xigeenka cusub wasiir ku xigeenkii horena waxaan leeyahay laguma tukhaan-tukhayne meel wanaagsan ayaa laguu magacaabay’’)  Ayuu yidhi wasiir cadami.

 

mire

Waxaanu u Mahad naqay hayadaha kale duwan ee la shaqeeya iyo waliba garsoorka Somaliland oo uu ku amaanay shaqada wanaagsan ee ka dhexaysa wasaarada gaashaandhga Somaliland iyo hadaha caalamiga iyo maxaligaba.

jama

 

Ugu danbayntii waxa halkaasi uu wasiirka gaashaandhiga Somaliland u kala wareejiyey xilkii labada wasiir ku-xigeen waxaana lays dhaafsaday hadalo kaftan iyo waanu u badan, xafladaasi oo ku soo idlaatay jawi farxadeed.

Cumar C/Risaaq Cali
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here