Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa

0
1287

Hargeysa(SDN)wasiirka gaashaandhiga Somaliland Mr Ciise Axmed Yuusuf Xawar oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka cigaal International Airport ayaa waxa soo dhaweeyey wasiiro,Taliyaha guud ee ciidamada qaranka jamuuriyada Somaliland,Xildhibaano,salaadiin,aqoonayahano iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay C/laahi Suldaan oo halkaasi ka sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo wasiirka cusub ee gaashaandhiga maantana ay tahay soo dhawayn iyo in si weyn loo garab is taago wasiir Mr Xawar oo ah aqoon yahan wax weyn ka badali kara saaxada siyaasada iyo horumarka Somaliland.

Wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami oo sheegay in ay si weyn u soo dhawaynayaan wasiirka cusub lana shaqayn doono , Xildhibaan Jiir Bulqaas iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jamac Xaamud oo si isku mid ah u sheegay in ay soo dhawaynayaan wasiirka cusub ee wasaarada Gaashaandhiga waxaanay xuseen in ay waliba cod aqlabiyad ah ku ansixin doonaan wasiirka cusub ee wasaarada shaandhiga.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Mudan Sareeyo Gaas Nuux Ismaciil Taani oo halkaasi ka sheegay in uu si weyn uga farax san yahay wasiirka cusub ee wasaaradaasi loo soo magacaabay wax weyna ay rajaynayaan in uu ka badalo waxaanu eryo soo dhawayn ah ku xusay sida weyn ee ay u soo dhawaynayaan.

 

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaarada Gaashaandhiga somaliland Mud Ciise Axmed Yuusuf Xawar oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhawayntan qiimaha balaadhan leh uguana mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhawantiisaas, geesta kale waxa uu halkaasi uga mahad naqay madaxwaynaha Jamauuriyada Soamliland Mud Muuse Biixi Cabdi.

Cumar Cabdirisaaq Cali
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here