Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Dil Askari Ka Tirsan Ciidamada Oo Dilay Askari Kale

0
198

Hargeisa(SDN)Wasiirka gaashandhiga Somaliland Axmed xaaji cali cadami ayaa si kooban oo dulka xaadis ah uga hadlay Askari ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo khaarajiyey hal askari,islarmarkaana dhaawacay Askari kale.

 

 

Wasiirku oo qadiyadaas ka hadlaaya ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Waa Nasiib darro, waa Caado aan jiri jirin oo cusub in dadkii difaaca ku wada jiray ay isku soo guda noqdaan”.

 

 

Waxaa kaloo hadalkiisa ka mid ahaa “Aad baanu uga xun-nahay cid kasta oo falkaas xun ku waxyeelowday iyadaan cadow shisheeye soo weerarin, saaxiibkiisii la jiifay ee nafta iyo noloshaba la qaybsanayay uu soo weeraray”.

 

 

Guntii iyo gunaanadkii wuxuu wasiirku hadalkiisa ku soo jaray “Waxaanu caddaynaynaa in lagu jiro sidii Maxakamadda Ciidamada qaranku u bixi lahayd ee u tagi lahayd goobihii dhacdooyinkaas foosha xun lihi ka dhaceen oo ay dacwadda halkaas ku qaado, oo ay Qisaastu halkaas ku fusho maadaama Ninkii Ciidanka qaranka ahaa cidii aamintay iyo ninkii la jirayba ku soo hoos noqday, wax cafis iyo dibu- dhigid ah oo halkaas ka iman karayaa ma jiro, Halkaas baana cidii falka gaysatay lagu abaalmarinayaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here