Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegay

0
1951

Hargeysa(SDN)Wasiirka cusub ee wasaarada gaashaandhiga somaliland oo maanta si rasmi ah xilii wasaaradaasi ula wareegay kaasi oo xarunta wasaarada gaashaandhiga lagu qabtay xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo meeqaam keedu aad u sareeyey waxaana ka soo qayb galay madaxda saraakiisha ciidanka, Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahan iyo waliba marti sharaf aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga somaliland mudane Jamaal Cabdilaahi Maxamuud oo ku dheeraaday ahmiyada ay qaranka u leedahay wasaarada gaashaandhigu waxaanu halkaasi hadalo sagootin ah u jeediyey wasiirkii hore ee wasaarada mudane Axmed X Cali Cadami geesta kalena hadalo soo dhawaayn ah ku xusay wasiirka cusub ee wasaarada Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf Xawar.

 

Axmed Muxumed Bulbul oo ah agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada gaashaandhiga oo ku hadlayey afka shaqaalo weynaha wasaarada gaashaandhiga ayaa hadalo dardaaran ah u jeediyey wasiirka cusub ee wasaarada kaasi oo tilmaamay in ay garab joogaan kuna dhiiri galinayaan sidii ay shaqadu u socon lahayd waxaanu sabootiyey wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga.

 

Gaashaanle Sare Saleebaan Oo Ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Ciidamada ayaa halkaasi ka sheegay in wasaarada gaashaandhigu ay soo martay marxalado kala duwan taasi oo ku talaabsatay horumar kala duwan hormarkaasi oo uu bud dhig u yahay wasiirkii hore maantana ay wasiirka cusub ka rajaynayaan horumar kaas ka balaadhan.

Taliyayaasha ciidamada Qaranka iyo Asluubta Mudane Nuux Isamciil Taani Iyo Maxamed Cismaan Xudhuun oo si isku mid ah ugu hambalyeeyey wasiirka cusub ee wasaarada gaashaandhiga waxaanay sii nabad galyeeyeen wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga kuwaasi oo sheegay in ay maanta ku farax san yihiin wasiirka cusub ee dhalinyarada ah ee uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay wasaarada gaashaandhiga.

Wasiirada Hawlaha Guud,Biyaha Iyo wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah uga soo sheekeeyey taariikhda wasaarada gaashaandhiga iyo ahmiyada ay qaranka u leedahay waxaanay ale ka baryeen in wasiirka cusub ee wasaarada u fududeeyo xilka halka ay wasiirkii hore u sheegeen in uu maanta ka mid yahay odyaasha uu dalkani haysto.

Gebo Gabadii waxa halkaas hadalka iskaga dabo maray labada wasiir ee xilka la kala wareegaya kuwaas oo dhamaantood uga mahad naqay cid kasta oo diyaarisay kulankan.

Cumar Cabdirisaaq Cali
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here