Wasiirad katirsan Xukuumada Kenya oo is casishay kana hadashay Sababta Is casilaadeeda

0
120

Wasiirada Dowlad Wadaajinta Dalka Kenya, Anne Waiguru ayaa maalintii shalay si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay is casishay, kadib markii ay lasoo darseen xaalado caafimaad daro ay ka qaaday shaqada ay ku jirto.

Waxa ay xustay Wasiirada in is casilaadeeda sabab u tahay caafimaad daro lasoo daristay, iyadoona tilmaantay in dhaqtarkeeda kula taliyay in shaqada ay ka fadhiisato si xaaladeeda caafimaad aysan uga sii darin.

Wasiirada ayaa caafimaad daro iyo dhibaatooyin kale ka dhaxashay dhaleeceyn xoogan oo kaga timid dhinacyo kala duwan iyo baaritaano lagu sameenayay Wasaaradeeda oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo arimo kale .

Shir Jraa’id ay Warbaahinta ugu qabatay Magaalada Nairobi ayey ku sheegtay Anne Waiguru, in Madaxweynaha Kenya u gudbisayy is casilaadeeda ayna rajeeneyso in uu ka aqbalo, waxa ayna intaa raacisay in culeeska la saaray uu ka dhashay markii ay ka shiftay xubno musuq maasuq ku howlanaa.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here