Wasiirad ka tirsan dowlada Norwey oo ka careysiisay muslimiinta ku nool dalkeeda

0
204

Wasiiradda soo galootiga ee dalka Norway Sylvi Listhaug ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga waxaa uu dhaliyay muran badan iyo caro ay qaadeen dadka muslimiinta ah.

Sylvi Listhaug ayaa ugu baaqday dadka soo galootiga ah, gaar ahaan muslimiinta inay cunaan khansiirka, khamrigana cabaan.

Wasiiraddan ayaa waxay kasoo jeeda xisbiga xagjirka ah ee Fremskrittspartiet, waana wasiirada ugu afka dheer xukuumada Norwey.

“Kuwa soo galootiga ah ee Norway imaanaya waa inay la jaanqaadaan bulshadeena. Halkaan waxaan ku cunnaa khansiirka, khamrigana waan cabnaa, wajiyadeenana ma dadno. Waa in aad qaadataan dhaqamada, sharciga iyo xeerka u yaalla Norway” ayey barteeda facebook ku soo qoray Sylvi Listhaug.

 

Wasiiradda ayaa la sheegay in hadalkan ka soo yeeray uu yahay mid ay ku weerareyso muslimiinta, iyadoo kala kulantay dhalleeceyn ka timid dad Islaamka ah ee wadankaas ku nool.

Sylvi Listhaug ayaa marar badan horey fagaarayaal iyo baraha bulshadaba ugu soo bandhigtay hadalo ka careysiiyey muslimiinta wadankaas.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here