Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Oo Soo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Burco

0
355

Burco(SDN)Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh oo soo kor-meeray xarunta dugsiga farsamada gacanta Burco halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka waxbrashada ee gobolka iyo waliba maamulaha Dugsigaasi kaasi oo soo indho-indheeyey guud ahaan dhismayaasha shaqeeya iyo waliba kuwa dunsan ee ka dhex binaysan dugsiga farsamada gacanta kaasi oo ah mid ka mid aha xarumaha ugu waa weyn ee lagu barto farsamada gacanta ee ku yaala Somaliland.

 

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga farsamada gacanta Burco Maxamed Xirsi Xoosh kaasi oo ka warbixiyey sida uu hada u socdo dugsigu iyo waliba fasalada uu ka kooban yahay waxaanu xusay in ay dhanka farsamada gacanta ay hada dhameeyeen 90(Sagaashan) arday oo ay maalmaha dhaw u qaban doonaan xaflada qalinjabinta waxaanu xusay in ay qaadanayaan arday kala duwan oo baran doonta farsamada Laydhka kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 30(Sodon) arday.

 

Maamulaha Dugsiga farsamada gacanta Burco Maxamed Xirsi Xoosh geesta kale waxa uu taabtay in dugsigu uu u baahan yahay dayactir weyn iyo in laga kabo qaybaha kala duwan ee dugsiga si loo xoojiyo waxbarashada farsamada gacanta, waxa uu intaas ku daray in ay hada dugsiga dhigtaan arday barata waxbarashada qoraalka ah kuwaasi oo ah hal galaas oo fasalka labaad ah waxaanu sheegay in ay dhankaasna xoojinayaan si dugsigu u noqdo mid qaybo kala duwan lagu barto.

 

Geestiisa waxa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh kaasi oo sheegay in uu maanta ku farxsan yahay in uu soo kormeero xaalada guud ee dugsiga farsamada gacanta Burco waxaanu sheegay in ay dhamaan baahiya kala duwan ee ka jira dugsiga ay wax weyn ka qaban doonaan waxa uu xusay in ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doonaan sidii wax looga qaban lahaa dugsigan si uu u noqdo mid looga faaiideeyo da’yarta kala duwan ee ku dhaqan gudaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here