Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaarada Waxbarashadda Oo Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay

0
194


Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ku qabsoontay hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa xilkii kula kala wareegeen wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradaasi Mudane Yuusuf Cismaan Garas iyo Wasiir kuxigeenka loo soo magacaabay mudane Nuur Aw Cabdi Shaacir, labadan masuul oo uu xilka uu u kala wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashaddu ayaa iyaa munaasibadaasi hadalo kaftan iyo duur xul iskugu jira isku hal celiyey.

Xafladaasi oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda iyo shaqaaleheedu ayaa ahayd mid aad loo soo camiray madasha ay munaasibadu ka socotay. Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Agaasimaha Guud Mudane Cabdi Cali Jaamac iyo Agaasimaha Tacliinta Sare Mudane Yuusuf Axmed Cali.14686596_10208789628390588_1722228041_n

dsc_3399Waxa ugu horeyn munaasibadaasi hadalo kooban ka soo jeediyey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda waxbarashadda waxana hadaladiisii ka mid ahaa; farxad gaar ah bay ii tahay in aan idinkala soo qayb-galo munaasibadan qaaliga ah ee ay xilalka kula kala wareegayaan wasiir garas iyo wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradaasi loo soo magacaabay mudane Shaacir. Wasiir kuxigeenkii hore mudane garas waa nin karti iyo aqoon u lahaa hawlaha ay qabato wasaaradu, runtii waxa lagu majiiran karaan nin kaalintiisa ka soo baxa oo ay weliba shaqaalihiisuna jecel yihiin.

14657769_10208789595789773_1825862083_nWaxa isaguna khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka soo jeediyey xafladaasi, Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Yuusuf Cismaan Garas waxaanu ka soo sheekeeyey taariikhdiisii dhinaca siyaasadda iyo xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay mudadii uu siyaasada dalka ku jiray isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; ugu horeyn waxan aad ugu mahadnaqayaa dhammaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda oo mudadii aan joogay si fiican u soo wada shaqaynay, xaqiiqdii ma hilmaami karo waayihii shaqo ee aan soo wada qaadanay iyo niwad wadaagii aad igu qaabisheen.

Aniga siyaasadda waxa igu soo daray madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo, guud ahaan xilalka uu ii igmaday madaxweynuhu intii aan siyaasada ku jiray waxay noqonayaan afar xil oo kala duwanaa, waanan ugu mahadnaqayaa magacaabistaa uu ii gartay. Sunaha dawladnimo ayey tahay in kolba halka uu madaxweynuhu u magacaabo masuulkiisa in uu ka shaqeeyo sidaa darteed xilka aan hadda qabtayna waxan uga shaqayn doonaa sidii waajibka ahayd ee sharcigu i farayo.

14642839_10208789583309461_835619049_nWasiir kuxigeenkan cusub ee xilka igala wareegaya ee mudane Shaacir waxan ugu bushaaraynayaa in uu yimi wasaarad ay joogaan khabiiradii iyo aqoontii dalku kuwaasi oo ah shaqaale daacad iyo halkarnimo leh, adigana waxan kaa filayaa in aad taa kula shaqayn doonto insha Allah. Dhab ahaantii waxay ahayd wasaaradani mid mihnadii macalinimo ee aan ku shaqaynayey ka jirto sidaa awgeed way iiga duwan tahay wasaaradaha kale waxanan idiin balan qaadayaa in aan idinkala shaqayn doono wixii aad iiga baahataan ee hawl ah.

14686639_10208789602549942_778352310_nWaxa isaguna halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka xilka la wareegayey waxana hadaladiisii ka mid ahaa; aad baan ugu mahadnaqayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda oo si mug leh saaka halkan iigu soo dhaweeyey. Horta wasaaradda waxbarashadu maaha meel aan ku cusubahay waayo shaqadii ugu badnayd ee aan ka soo shaqeeyey noloshaydu waxay ahayd macalinimo waana wasaarad aan ku hamiyi jiray in uu madaxweynuhu ii magacaabo, dhawr jeer waan ku talamay in aan madaxweynaha ka codsado in uu ii wareejiyo wasaarada waxbarashadda laakiin waxan ka fakaray armuu madaxweynuhu ku yidhaa waar ma ninkii aan maaliyadda geeyey ayaa tamaashiir doonaya sidaa awgeed may dhicin arrintaasi.

Wasiir garas waxan leeyahay waan kuu soo ducaynayaa anigu halkii aan doonayey waan helee adiguna iigu soo ducee in illaahay xilkaasi igu asturo. Waxan kuu rajeynayaa in adigana halkaa laguu bedelay noqoto halkii aad doonaysay. Dhinaca kale waxay soomaalidu ku maahmaahdaa naago nin ay yaqaanaan cadaw ma moodaan, waxan uga jeedaa Wasiir Cabdilaahina waa nin aanu mudo soo wada shaqaynayoo waan is naqaanaa si kasta haddii uu u xun yahay cadaw moodi mayo.

14658305_10208789616590293_254619400_nUgu danbayn wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa xilkii u kala wareejiyey waxaanu masuuliyiintaasi kula dardaarmay in ay hawlaha ay qaranka u hayaan halkaa ka sii wadaan isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; ugu horeyn waxan ku sii sagootinayaa Wasiir kuxigeenkii hore mudane Yuusuf Cismaan Garas niyad wanaag iyo kal furnaan ay u hayaan dhammaan wasaaradda waxbarashadu, runtii waxa uu ahaa masuul wasaaradani wax badan ku soo kordhiyey oo hawl kar ah. Inkasta oo uu da’ yar yahay haddana waxa uu ahaa garas macalin jaamacada ii dhigay aniga, sidoo kale waxa uu ahaa wasiir dhinaca tignoolajiyadda casriga ah ka caawiyey wasaaradda, waxan wasiir garas leeyahay wuu kuu furan yahay albaabka wasaaradda waxbarashadu wax kasta oo aad danaha ijtimaaciga ah uga baahato wasaaradda.
Wasiir kuxigeenka cusub mudane Nuur Aw Cabdi Shaacir waxan isagana ku soo dhaweynayaa wasaaradda waxbarashadda oo aan ku cusbayn oo sida uu sheegay ahayd shaqadii u badnayd ee uu ka soo shaqeeyey waxanan ka rejaynaynaa in uu nagu soo kordhiyo karti iyo aqoon lagu maareeyo hawlaha tirada badan ee noo yaala. Soo maalidu waxay tidhaa sacu waa halka uu ku gees bixiyo raguna waa halka uu ku gadh bixiyo sidaa awgeed waxad timi gurigaagii ee maaha wax kugu cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here