Wasiir katirsan Puntland oo is-casiley iyo Khilaaf ka dhax aloosan Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa

0
159

Wararka ka imaanaya Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntiland ayaa sheegaya in Goordhaw wasiir katisan Maamulkaasi uu ku dhawaaqay in uu is casilay, Wasiirka ayaana faah faahin ka bixiyay sababaha ku kalifay in uu is cassilo.

Ismaaciil Maxamed Warsame oo ahaa Wasiirkii Caddaaladda ee Maamulka Puntland oo goordhaw Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garawe ayaa shaaca ka qaaday in uu iskiis isaga casilay xilkii uu ka hayay Maamulka Puntiland , waxa uuna is casilaadiisa uu ku sababeeyay arimo dhoor ah oo taagan.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaaday jiritaanka Warar waayadan la isla dhax marayay oo ahaa in isku shaandheyn lagu sameenayo Golaha Wasiirada Puntiland, waxa uu sidoo kale cadeeyay in uu jiro khilaaf ka dhalatay isku shaandheyntaasi oo u dhaxeysa Madaxweynaha Puntiland iyo kuxigeenkiisa.

Waxa uu sheegay Wasiirkii Cadaalada ee maanta is caslay in Wasaaradiisa aysan si dhameestiran u helin xaquuqdooda mudo la siman 8-bilood, waxa uuna tilmaamay in uu go’aansaday in uu meesha baneeyo kol hadii aysan jirin kalsooni uu kusii shaqeyn karo.

 

 
Madaxweyne Gaas ayaa si weyn u doonayay in Wasiirka maanta is casilay uu xilka ka qaado marka isku shaandheyta lagu sameeyo Golaha Wasiirada Maamulkaasi, waxaana xil ka qaadistaasi si weyn uga soo horjeeday Madaxweyne kuxigeenka Puntiland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here