Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Ku Dhawaaqday In Ay 9000 Qoys Beerahooda U Qodi Doonto.

0
382

Hargeysa(SDN)Wasaaradda horumarinta beeraha Somalilnad waxay maanta sheegtay in saacaddo qodaal ah ku caawin doonaan dadka beeralayda ah ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee Somalliland.

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaraddaasi in todobaadkan guddihiisa 9,000 oo qoys loo qodi-doono beeraha ay iska leeyihiin.

Axmed Muumin Seed waxa uu beeralayda kala duwan u soo jeediyey in laga faa’iideysto roobabka guga oo hadda ka bilaabmay qeybo kamid ah deegaanada Somaliland.

Lacagta ku baxaysa hawshan ayuu wasiir Seed tilmaamay in ay tahay qadhaan ay ururiyeen guddigii ka soo kabashada abaaraha oo dhawaan madaxwaynaha Somaliland kala direy isaga oo ka wareejiyey wixii ay bulshada ka ururiyeen.

Ugu danbeyntiina wasiirka Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay in roobab badani ka di’i doonaan deegaanada Somaliland markii la eegaybuu yidhi saadaasha hawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here