Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Sheegtay Inay Maxkamad La Tiigsan Doonaan Fannaaniin Caan Ah Oo Ay Xabsiga U Taxaabeen+Magacyada Kooxda Fannaaniinta

0
163

Hargeysa(SDN)Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,oo maanta warfidiyeenada kula hadleysey xarunta wasaaradda deegaanka ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadashey markii ugu horreysey xadhig lagula kacay koox fannaaniin ah oo sida la sheegay wasaraaradda deegaanku xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa dhigtay.

Marwo Shukri Baandare ayaa sheegtay si cad u sheegtay inay fannaaniintaasi ay wasaaradda dhexdeeda ka sameeyeen dagaal iyo rabshado “Waxa weeyey fannaaniitaasi waxay sameeyeen dagaal,anigu shir jaraa’id ayan ku jirey,kaddibna ciidanka ayey la dagaalameen iyaga oo wata dhagaxaan”Ayey tidhi Marwo Shukri Baandare.

 

 

 

Shirkan jaraa’id ayaa waxaa ku wehelinayey agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cali Waxaana uu ka dhawaajiyey inay maxkamad la tiigsan doonaan fannaaniitan,maadaama ay rabshado ka dhex sameeyeen wasaaradda dhexdeeda “Fannaaniintaa waxaanu la tiigsan doonaa maxkamadda”Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miiga.

Fannaaniitan ayaa immika ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Kooxdan la xidhay ayaa waxay ka kooban yihiin sideed xubnood,waxaana ka mid ah Xassan Ismaaciil oo lagu naaneyso Tuse Aw-Toosiye,oo ah jilaagii matalayey riwaayaddii caanka ahayd ee IF IYO AAKHIRO,immikana ah Gaashaanle sare oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland,Fannaanka Faysal Tashi,Laxameeysta Marduuf iyo fannaaniin kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here