Wasaarada Waxbarashada Oo Dood Cilmiyeed Lagaga Hadlayo Manhajku Qaybtuu Ka Guto Ilaalinta Aqoonsiga Wadaniga Ka Furtay Hargaysa (Sawiro)

0
218

Hargaysa (SDN) Wasaarada Waxbarashada oo magaalada Hargaysa ka furtay dood cilmiyeed ku saabsan Manhajku qaybtuu ka guto ilaalinta aqoonsiga wadaniga ee islaamiga ah iyo khatarta uu casrigu keensaday , waxaana dood cilmiyeedkan fulintiisa lahayd agaasimka guud ee tacliinta sare, halka ay maal gelisay Hay’adda wadaniga ah ee Geeska Afrika.

 

Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane, Wasiiru Dawlaha wasaarada Waxbarashada Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Agassimha Guud Ee Tacliinta Sare Dr. Yuusuf Axmed Cali, xubno ka kala socday jaamacadaha Dalka, Culumo diin, aqoonyahano, Hay’ada Geeska Afrika iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayna waxaa faahfaahin kabixiyay dood cilmiyeedkan Agassimha Guud Ee Tacliinta Sare Dr. Yuusuf Axmed Cali “ maanta sida aad dareensantihiin waxaynu iskugu nimid arin aad iyo aad mihiim u ah oo ah sidii ay bulshadeenu isiijiri lahayd dhaqankeeda, afkeeda, dalkeeda, diinteeda, danimadeeda, mustaqbalkeeda iyo calankeeduba uu utaagnaan lahaa, taasi oo runtii meelo badan laga soo weeraray, waxaanu dood cilmiyeedkani inoo socon doonaa laba cisho haddii alla yidhaa”. Ayuu yidhi.

 

 

Waxaa uu intaasi raaciyay in aqoonyahanka ka soo qayb galay dooda uu labada cisho ee ay socoto lafa guridoono cilimi baadhisyada lasoo jeedin doono iyo aragtiyaha kala duwan ee lasoo jeedin doono.

Waxaanu umahadceliyay Hay’adda Geeska Afrika oo bixisay  kharashka ku baxaya dood cilmiyeedkan labada cisho socon doona.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada Waxbarashada Somaliland Maxamed Xaaji oo sheegay i n aanu hadal badan ukicin laakiin uu soo dhawaynayo martida iyo mudanta ka soo qayb gashay Dood cilmiyeedka ee ah aqoontii dalka “ Hadaanu wasaaradii waxbarashada iyo tacliinta Sare aqoontii dalka iyo waxgaradkii ummadani lahayd oo aanu uga mahadcelinayno siday fursada noo siiyeen ayna mudantahay munaasibadan oo kale wax fursad lasiiyo, aadbaanan idiinka mahadcelinaynaa” ayuu yidhi.

Waxaanu isagoo hadalka sii wata uu intaasi raaciyay “ markii aanu aragnay haddii aanu nahay bahdii waxbarashada gaar ahaan tacliinta sare cabashooyinka markaynu meelahaa iskugu nimaadno aynu isku sheeganayno waxaanu garanay in la isla eego dhinaca iyo mustaqbalka ay bulshadu usocoto iyo wadaniyada ood moodo in ay da’a yarteenii ka sii madhanayso” ayuu yidhi.

 

 

 

Ugu dambayntiina waxaa dood cilmiyeedkaasi ka hadlay oo si rasmiya ufuray Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane isagoo ugu horayn umahadceliyay ka soo qayb galayaasha iyo agaasimka tacliinta sare ee soo qaban qaabiyay Dood Cilmiyeedka “ arinkani waa arin loobaahnaa in baadhis lagu sameeyo oo la isla meeldhigo, way mudantahay in aynu iswaydiino wax aynu gaarka uleenahay sidii aynu ugu xifdiyi lahayn ubadkeena , mawduucan aynu isasoo hordhignay maanta waa arin loo baahnaa oo mudan in aqoonyahanku ka dooda oo uu   wax ka soo saaro oo waxaa ka soo baxay lasii harumariyo oo jaamacaduhuna ay cilmi baadhis ay sii sameeyaan oo xogtaasi laga soo saaro wax raadraac noqda” ayuu yidhi wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay in ku dhaqanka hadba wixii dan lamoodaa ay kamid tahay in la ilaashado waxa aynu leenahay, waxaanana halkan inooga soo bixi doona talooyin aynu ku ilaashano tacliinteena, ugu dambayntiina waxaa uu wasiirku amaan usoo jeediyay Hay’adda Geeska Afrika oo iyadu bixisay kharashka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here