Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadashay Warar Sheegaya In Qalab Maamulaya Hawada Guud Ee Somaliland Iyo Somaliya Lagu Wareejiyay Dawlada Somaliya

0
121

Hargeysa(SDN) Wasiirul dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Axmed Nuur Faahiye ayaa maanta shir jaraa’ id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu  beeniyey warar sheegaya in  Qalab mamulaya Hawada Guud ee Somaliland iyo somaliya  lagula wareego oo la siiyey Wadanka aynu jaarka nahay ee Soamliya

waxaana  uu sheegay wasiru dawluhu  inay jirto  Qalab loogu talo galay la socodka Saadasha Hawada (Metrology) oo ay siisay “ICAO” dalkaasi madaarada Somaliland ay u soo wado.

 

 

Wasiirku isaga oo Arimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi

“ Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalliya waxaa laga maamulaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyada oo la soo Wareejin doono marka Somaliland iyo Somaliya Heshiis ka wada gaadhaan arintaas”.ayuu yidhi  wasiirul dawluhu

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa  uu inta ku daray

” sida ay cadaysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan Hawada “ICAO”, hal dhinac oo kaliya laguma wareejin karo Hawada, maadama laga hortagayo khalkhal amni iyo in ay carqaladi timaado, Qaramada Midoobay, Dalalka Jaarka ah iyo Aduun wenu huba waxay doonayaan in Hawada Somaliland iyo Somaliya ay noqoto mid nabad ah oo la isku halayan karo, taasina waxay ku imanaysaa heshiis laba geesood ah oo ay wada gaadhaan labada Dawladood, kumana imanayso in hal dhinac isku koobo Maamulka Hawada.”

 

 

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinaaya Qalabka la geeyay Somaliya ee ay geysay “ICAO” ayaa waxa uu yidhi

“ Qalabka Saadaasha Hawada (Metrology) ee la geeyay Muqdisho, waa Qalab loogu talo galay Saadasha Hawada iyo Cimilada, Qalabkan mid la mid ahna  waxa uu u soo socda oo la keenayaa Madaarada Somaliland ee Hargaysa iyo Berbera dhawaan, waana qalab caawinya hawalaha Shaqada ( Operation ) ee Madaarada Guud ahaan.”

 

 

Ugu danbeyntuu wasiirka ayaa waxaa  uu fariin u diray Warbaahinta Somaliland, waxana uu yidh

“Warbaahinta Somaliland waxaanu u sheegaynaa in ay ka waantoobaan fidinta iyo faafinta Wararka ka dhanka ah Qaranimada Somaliland ee ka soo yeedha Masuuliyiinta Somaliya iyaga oo aan hubsan, waana in ay ku shaqeeyaan dareen Wadaniyadeed” ayuu hadalkiisii ku soo koobay wasiir Axmed Nuur Faahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here