Wasaarada Ciyaaraha Oo Soo Qaban Qaabisay Kulan Ciyaareed Feedhka iyo Kung Fu Ah

0
146

Hargeysa(SDN)Wasaarada ciyaaraha Somaliland oo soo qaban qaabisay kulan ciyaareed noociisu uu cusub yahay kaasi oo ah Feedhka iyo Kung Fu oo habeenkii xalay ahaa ka qabsoomay garoonka kubada kolayga ee Tima-cadde waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Wasiirka wasaarada ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Xildhibaano,  Agaasimaha Guud ee wasaarada ciyaaraha, la taliyaha gaarka ah ee wasiirka ciyaaraha,wax garad iyo aqoon yahan kale kulankani oo ay maal galisay wasaarada ciyaaraha.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Mid ka mid ah asaasayaasha kuliyada tobobarka Feedhka iyo Kung fu ga oo ku dheeraaday maraaxiladii kala duwanaa ee ay soo martay xarunta Bilkhayr oo dhanka kalena ah goob jidh dhis oo ku taala magaalada hargeysa waxaanu sheegay in ay mudo ku siman 10(Toban) sano ku siman ay soo wadeen ciyaarahan iyo waliba qaybta jidh dhiska, waxaanu aad ugu mahad celiyey madaxda wasaarada Ciyaaraha oo uu ku tilmaamay in ay u heelan yihiin sidii ay dhalinyarada wax ula qaban lahayeen.

Geestiisa waxa isna goobta ka hadlay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed kaasi oo sheegay in ay tahay ciyaaro loo baahan yahay feedhka iyo waliba ciyaaraha kale ee fudud oo uu ku tilmaamay mid ay dunidu si weyn u ciyaarto waxaanu wasiirku sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii ay kor ugu qaadi lahayeen ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro si dhalinyarada loo dhiiri galiyo.

Gebo-gebadii waxa halkaasi bilado iyo abaal marino kala duwan lagu gudoon siiyey  ciyaar yahanadii kala duwanaa ee bandhigaasi wacdaraha ku soo ban dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here