Wariye Terra Oo Wali Duurka Ku Jira+Xukuumada Oo Toosh Ku Raadinaysa+Solja Oo Ka Gaabsatay

0
200

Hargeisa(SDN)Waxaynu ognahay in 24-kii bishan aynu ku jirno inuu duurka galay Weriyaha Madaxa ka ah Shebekedda Warsomali.net C/risaaq Yuusuf Cali (Terra) Taasoo ay ku kalliftey cabsi kaga timid xukuumadda oo xadhiggiisa qorshaysay islamarkaasna ciidammada boliisku ku raadinayaan waaran qabashadiisa ah oo maxkamadda gobolka Sanaag u jartay.
Haddaba dhinaca shakhsiyadeed marka laga eego wax weyn ma aha qof in la dacweeyo ama la qabto ama la xidho noocuu doonaba ha ahaado ama shaqaduu doonaba ha hayee qofkaasi.
Balse arrin kasta oo dhaca hadal hayn iyo saamayntiisa ayuu yeeshaa “Shilkii dhacaba sheekaa ka hadha” haseyeeshee dhinaca kale marka laga eego arrinka weriyaha debedda uga saaray hoygiisa ee uu duurka miciinka iyo inuu ku badbaadayo biday aragti ahaan wax sahlan ama fudud ma aha wuxuna u muuqdaa “Nin Awr Dabadiis ka degey Meel uga toommoon buu waayey”.

 

 

Xagga saxaafadda inkastoo ay weli ka jirto qabyo kusaabsan xaqiiqada ama sababta dhabta ah iyo cidda ka danbaysa ama halka ay salka ku hayso baadi doonka loogu jiro xadhigga weriyahahn haddana saxaafad ahaan waa mid damqashadeeda iyo dareenkeedaba leh una muuqan karta sawirka guud arrin ka dhan ah xorriyatul-qawlka islamarkaasna suxufi kastaaba talada ku darsanayo weriyahan duurka galay xilligan. 

 

 

Dhinaca dadweynaha markaynu eegno laba shay oo kala ah weriyenimada iyo duurgalnimada waxaynu odhan karnaa dadweynuhu aragti ahaan markay isu geystaan waxa usoo baxaysa xisaab ku culus maskaxdooda waayo jabhad ayaa duurka gashay dadweynuhu waa maqli jireen waana qaadan karaan laakiin saxaafad baa duurka gashay waa wax ku cusub waxayna ku noqonaysaa “Fallaadh iyo Waxaadan filayniba waa kaaga fajiciyaan” Waxana laga yaabaa qaarkood yididdiilo badan oo xagga dimoqraaddiyadda iyo xorriyadda ay u qabeen inay dib u laqaan. Saamaynta xagga Xukuumadda marka hore meel dheer iyo meel dhowba arrintan weriyaha duurka galay warkeedu waa gaadhayaa waayo “Warku baalal la’aan buu duulaa” siyaabo kala duwanna waa loo arkayaa waxana dhici karta si xaqiiqada baal marsan in loo fasiro iyo in ciddii dhalliil u raadinaysey xukuumaddana ay uga dhigan karto tiir ay u cuskato xagga siyaasaddana debed iyo gudahaba saamaynteedu ka madhnaan mayso waana wax dhici karta in xukuumaddu noqoto “Hal laba midigle Uleeyey Dhankeedna uma bed qabo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here