Warbixin:- Xisbiga Waddani Waxa Uu Isku Sifeeyey Oo Uu Muraayada Soo Dhigay Qorshihiisa Danbe Ee Fadhiidka Ah

0
167

Warbixin:- Shabakada wararka ee suradnews.com oo diirada saaraysa xaalada iyo tartanka uu xisbiga Waddani ku jiro, iyadoo wax yaabo kooban idiinka soo gudbin doonta xaaladahaasi kala duwan.

waddani

Xisbiga Waddani oo ka mid ah asxaabta ka jirta Somaliland ayaa waxa uu ka mid yahay xisbiyada ay bulshadu ku tilmaanto in uu kobac siyaasadeed sameeyey balse waxa ay bulshada reer Somaliland ku tilmaamaan in uu ka mid yahay xisbiyda u tafa xaytay jeclaysiga iyo kala kasbashada bulshada dhinacyada qabaayilka waxaana aad loogu sifeeyaa inuu gacanta u haadiyo Dhamaan cid kasta oo ka mid ah bulshada dagan deegaanada bariga.

 

 

 

Mudooyinkii u danbeeyey waxa isa soo tarayey hadal haynta ay bulshadu hadal hayso xisbiga Waddani taasi oo ay ku tilmaamayeen in uu Gudoomiyaha xisbigaasi C/Raxmaan Cirro uu shacbiga iyo bulshada maatida ah ee qaybo kamid ah ay abaaruhu saameeyeen in uu sawiro iyo hadalo aan wax tar-lahayn uu la tagayey Dhamaan goobaha uu safaro kala duwan ku soo gaaraa  bixinayey.

 

 

 

Gudoomiye cirro oo geesta kale ah Gudoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa lagu sifeeyaa masuul aan wax-qabad buuxa oo la taaban karro lahayn walaw uu xeerer dano gaar ah laga leeyahay ansixintooda uu qabto, Gudoomiye cirro oo mudo laba jeer ah mudo dhaaf ku jooga aqalka golaha wakiilada ayaa tahli kari la in uu baneeyo jagadaasi isagoo mudo dhawr jeer ah balan qaaday in uu ka tagi doono wakhtiga uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Aadan “Siilaanyo” uu ka dhawaajiyo wakhtiga cayiman ee ay qabsoomayso Doorashada aqlka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee Somaliland.

 

 

 

Ujeedka u weyn ee warbixinta oo noqonaya sidii diirada loo saari lahaa wacyiga xisbiga Waddani ayaa noqonaya,  wacyiga kala duwan ee xisbiga Waddani oo ku soo koobmay la hor imashada bulshada hadalo dacaayad ubadan oo ay warbaahinta u mariyaan dawlada iyo waliba waxqabadyo aan sal lahayn, geesta kale waxa caado lama taabtaan ah u noqotay dhaleecaynta masuuliyiinta qaranka iyo dodo madhalays ah oo ay bulshada la soo hor-joogsadaan.

Xaalada tartan ee xisbiga Waddani oo ah qayladhaan uu bulshada u sheego oo ah in uu yahay xisbi cadaalad ah uu wax badan ka badali doona wax yaabo uu ugu yeedho in ay dawladu ku qaldan tahay taasi oo uuna wax cad u sheegin bulshada.

 

 

 

Somaliland oo mudooyinkii u danbeeyey kobac balaadhan ka jiray xaga waxbarashada iyo dhismayaasha kala duwan ee ka socda dalka Hadana se wax ilaa hada socda dhisida iyo korinta waxbarashada asaasiga ah  waxaynta bulshadu ku hawlantahay hirgalinta iyo dhisida waxbarashada asaasiga waxaana taasi muujinaysaa in ay bulshadu ka waantoobayso asxaab iyo siyaasi danaysta ah oo ku gaadha geedka uu hadba rabo iyo hawlaha uu isagu danta ugu jirto.

Xisbiga Waddani waxa uu hormood ka noqday in uu ku dul ololeeyo bulsho ay ku adagtahay nolosha dad iyo xoolaba ee ku dhaqan deegaanada galbeedka Somaliland taasi waxay sababtay in uu kala kulmo waji gabax balaadhan gobolka gabilay oo ay caasimada gobolka gabiley cidi ku soo dhawayn wayday.

Cumar C/Risaaq Cali
Suradnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here