Wararkii Ugu Dambeeyay halka ay mareyso xalinta Xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo

0
68

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xiligan waxaa ka jirta xasilooni, waxaana Magaaladaasi ku sugan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Madax katirsan Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socday ayaa shalay ilaa xalay Magaalada Gaalkacyo waxa ay ka wadeen dadalao nabadeed, waxa ayna Magaalada kula kulmeen Madax katirsan Maamulada Puntiland iyo Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka ee labada Maamul.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Gaalkacyo ay gaaraan Madaxweynaha Puntiland Cabdi Weli Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Sheekh AXmed Madoobe, waxaana horey Magalaadaasi ugu sugnaa R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wafdiga uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee ku hoolan xaslinta xiisada Gaalkacyo ayaa kulamo kala dwan la yeeshay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntiland, waxa ayna labada dhinac ka dhaashiciyeen in ay u turaan shacabka ayna qaataan nabada.

Madaxweynaha Puntiland Cabdi Weli Gaas ayaa lagu soo waramayaa in wali caqabad ku yahay in lasoo afjaro xiisada ka aloosan Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna horey u sheegay in Dowlada Federaalka aysan dhax dhaxaad ka aheyn Colaada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kraiin Xuseen Guuleed ayaa Wafdiga Dowlada uu la kulmay si cad ugu sheegay in ay diyaar u yihiin Maamulkiisa Xalinta Xiisada Gaalkacyo, wax walbo oo dhacayna heshiis buuxa laga gaaro.

Wafdiga Gaalkacyo ku sugan ee waan waanta wada ayaa ku dadaalaya in fool ka fool isaga horkeenaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntiland si ay uga wada hadlaan dhibaatada ka taagan Magaalada Gaalkacyo

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo aysan kasoo laabaneyn isaga iyo wafdigiisa iyaga oon xalin xiisad ka taagan Magaaladaasi waxa uuna rajo ka muujiyay in labada maamul ay heshiiyaan Gaalkacyana ay noqoto magaalo Nabdoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here