Wararkii U Danbeeyey Qaramada Midoobay Oo Dalbanaysa In La Baadhitaano Dheeraad Ah Lagu Sameeyo Dilkii Jamal Khashoggi

0
197

Hargeysa(SDN)Qaramada Midoobay  qaybteeda u dooda xuquuqda aadamaha ayaa sheegtay in ay baadhitaano xaqiiqo raadin ah ka samayn doonaan dilkii saxafigii Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi, QM afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay bilaabayaan baadhitaano la xidhiidha dilkii wariye Jamal Khashoggi waxaanu sheegay in aysan wali ogolaansho ka helin dhanka wadanka Sucuudiga.

Maalintii Khamiistii warar la helay QM ayaa  sheegaya in baadhitanada lagu ogaandoono shakhsiyaadka rasmiga ah ee dilka u gaystay saxafiga Jamaal Khashoggi oo labadii bishi October ee sanadkii tagay lagu dilay gudaha dalka turkeyga gaar ahaan qusuliyada Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka ayaa aaminsan in Dhaxal Sugaha dalka sucuudi carabiya uu amar ku bixiyay in la dilo Khashoggi, kaasoo ahaa nin cambaareeya dhaxal sugaha, meydkiisiina la jar jaray ilaa hadana aan la garanayn meel la geeyey, balse xukuumada Riyad waxay beenisay in amiirku uu lug ku lahaa dilkaasi.

Afhayeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Sucuudiga ayaa sheegay sanadkii la soo dhaafay in 21 sarkaal loo xiray kiiska, oo 11 ka mid ah lagu xukumay oo laga gudbiyay dacwad, Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay horaantii bishan xafiiskiisa inuu raadinayay ciqaabta dilka shan ka mid ah 11 tuhmane la tuhunsan yahay.

 

Warbixinta ay soo saartay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay bishii Juun, ayaa baadhitaanku samayn doonaa sidii uu u dhacay dilkii weriye Jamaal khashoggi, turkiguna waxa uu dalbanayaa in dalkiisa lagu maxkamadeeyo dadka loo  logu soo eedeeyey in ay qayb ka ahyeen dilkii wariye Jamaal khashoggi.

Turkeyga ayaa hore u xaqiijiyey baadhitaano qoto dheer oo uu ku sameeyey dilkii wariye Jamaal khashoggi.

Halkan Hoose Ka Daawo

Hargeysa / Somaliland
Surad Office
Ayman.egal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here