Wararkii U Dambeeyay Ee Weerarka Al-shabaab Ku Qaatay Hotelka Saxafi Ee Muqdisho

0
120

Muqdisho(Ramaas)November-01-2015-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay ilaa 28 kalena way ku dhaawacantay weerar subaxnimadii hore ee Axadda lagu qaaday  hotelka Saxafi oo ku yaala badhtamaha caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Gaadhi waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa afaafka hore ee hotelka lagu qarxiyay xilli ku beegan abaaro 6-dii subaxnimo oo wax yar dhiman, waxaana daba socotay qaraxa rasaas ay adeegsadeen dablay weerarka gaysatay, waxaana gudaha hotelka ka socota rasaasta u dhexaysa ilaalada hotelka iyo kooxda, sida uu sheegay wariyaha Muqdisho ee BBC-da.

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan militariga Somalia Jeneral Gacma Duule iyo safiirka Somalia ee Ethiopia Ambasador Cabdisalaan Xaaji Aadan, sida laga soo xigtay ilaha caafimaadka.

 

Dadka weerarka ku dhintay waxaa ka mid ah sawir qaade ka tirsan telefishanka Al-jazeera, waxaana lagu magacaabi jiray mustafe Cabdi Shafana.

 

Inkasta oo aanay faahfaahin dheeraad ahi ka soo bixin weerarkan haddana Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan laba qarax hotelka lala eegtay, ilaa haddana saraakiishu aanay faahfaahin bixin karrin maadaama hawlgal lagu jiro.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka. Kooxda ayaa Hotelada u beegsata in hotelladu marti galiyaan madaxda dawladda sida xildhibaannada Baarlamaanka, wasiirada iyo saraakiisha kale oo qaarkood hotelka degan yihiin kuwo kalena ay inta badan yimaadaan.

Hotelka ayaa ku yaala jidka Km4, waxaanu u dhaw yahay madaarka, iyadoo ka soo horjeedkiisana xarunta sirdoonka Somalia ku taalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here