Warar Ka Soo Cusboonaaday Gubashada Guriga Wasiirka Madaxtooyada

0
571

Hargeysa(SDN)Guriga Wasiirka madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta ku gubtay magaalada hargeysa ayaa lagu soo waramayaa in warbaahinta goobtaasi tagtay lagula kacay tacdi ka dhan ah xoriyatul qawlka kuwaasi oo ciidamada amaanka somaliland ay gaadhigii ay saarnayeen kala dageen laba wariye oo ka tirsan telefiishanka madaxbanaan ee bulsho Tv halka ay qalabkiina ka qadeen sawir qaade ka tirsan telefiishanka HCTV.

 

geesta kale guriga gubtay oo ay iska soo horjeedaan guriga madaxwaynaha talada ka dagaya Mud Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo ayaa waxa goobtaasi ku hareeraysan dad danyar ah oo dagan xarunta istaad-hawska ee magalaada hargeysa, taasi oo goobta ay soo gaadheen ciidamo tiro badan oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka sida baadhista,daminta dabka,sugida amniga.

Image result for dabdamiska

Isha Ku Hay SuradNews.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here