Warancadde Oo Ku Hanjabay In Somaliland Xadhig La Beegsanayso Wasiirka Amniga Puntland

0
130

Wasiir Warancade ayaa ku hanjabay inay xadhig la tiigsan doonan Wasiirka arimaha gudaha Puntland. Waxa uu wasiirku sheegay in ay Somaliland xidhi doonto hadii madaaradeeda ay ku aragto wasiirkaas, isaga oo diyaaradaha uga digay soo qaaditaankiisa, waxaana uu sidan ku sheegay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaana isaga oo arimahaad ka hadlaayay uu yidhi

Cali Waran Cadde

“Arintaas aad iyo aad ayaanu uga xunahay ninkaas sheegnaya wasiirka oo aan u malaynaayo in uu yahay nin aan bislayn siyaasada iyo booska uu hayo, waxaanu aragnaa isaga oo dhawr jeer ku eedaynaaya Somaliland inay Al-shabaab xidhiidh la leeyihiin taas oo aanu u aragno inuu yahay nin shaqadiisii ka soo bixi kari wayaay, waxaanu u aragnaa nin dhibaatada dalkiisa taala iyo dhiiga ka daadanaya mid hawshiisii ka fulin kari waayay oo doonaya inuu kula galgasho umado kale, waxaanuna leenahay arintaasi waa mid aanan u dulqaadan karin.”

 

 

Wasiirka hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Dad la yaqaan ayaanu nahay ninkaasuna malaa dadka ajaanibka ah ayuu wax kaga doon doonayaa, laakiin ajaanibku halkan way joogaan waana la ogyahay inay halkani tahay dal nabad ah oo aan fool xumo kale shaqo ku lahayn, maalin dhawaydna waxaan maqlaayay booliska oo hadlaaya oo leh weeraradu waxay nagaga yimaadaan dalka dhexdiisa in dawladaqaarkeed ka danbeeyaan oo dalkooda dhexdiisa ay tahay.”

 

 

Ugu danbayntii wasiir Warancade waxa uu ku dhawaaqay go’aankan “Maamul gobaleedka Puntland waxa uu isticmaalaa madaarka Hargeysa waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo inuu ninkaasi xagayaga ka yahay mid la raadinaayo haduu soo maro madaarada Somalilandna waa la xidhayaa, diyaaradahna waxaan uga digayaa in kaas oo kale hay dalkayaga iyo hawadayada ay soo maraan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here