Waraabe Neef Awr Ku Dhex Cunay Gudaha Magaalada Hargeysa

0
184

Hargeysa(SDN)Waraabe ayaa ku cunay gudaha magaaalada Hargeysa Awr ka mid ahaa kuwa iibka loo keeno saylada magaalada oo sida la filayo magaalada kaga dhex baxsaday dadkii watay.

 

Awrkan oo seetaysnaa ayaa uu waraabuhu ku cunay meel waxyar uun u jirta taliska guud ee ciidanka qaranka oo uu habeenimadii awrkaasi ku dib jiray, waraabaha ayaa awrka nabaro badan gaadhsiiyay, waxase uu ka soo riday caloosha taas oo sababtay dhimashadiisa.

Dadka la deriska ah goobtan waraabuhu uu Awrka ku cunay ayaa sheegay inay maqlayeen cabaadka awrkaas oo xad dhaaf ahaa, waxse dadkaasi aanay filayn in waraabe magaalada gudaheeda uu ku cunaayo Awrka.

 

 

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ku soo badanaaya magaalooyinka waaweyn ee Somaliland geela loo daaq keeno, kaas oo aad u cuna dhirta ay ka midka yihiin tiinka,ciinka iyo waliba dhirta hadhka dadka magaaladu ay u beertaan, waxse haatan ah mid cusub in waraabihiina uu geeli magaalada soo galay ka daba yimi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here