War Xasaasi Ah:- Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ku Hawlan Kala Doorashada La Shaqaynta Xukuumada Cusub Iyo Fashilinteeda

0
712

Hargeysa(SDN)Wasiirka madaxtooyada ee wakhtigu ka sii dhamaanayo Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku hawlan fulinta in uu helo kursiga jagada gudoomiyaha xisbiga kulmiye kaasi oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu u hanan lahaa jagadaasi kaasi oo mudooyinkii u danbeeyey ka shaqaynayey hanashada kurisgaasi waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan mansabka uu rabo wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo mudo dhowr jeer oo hore ah isa soo jiidhay Madaxwaynaha cusub ee somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale warar ay shabakada Caalamiga ah ee Suradnews heshay ayaa sheegay in wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi hadii uu waayo xilka jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu ka shaqayn doono fashilinta Xukuumada shacabka somaliland dootay ee ka soo baxday xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee Kulmiye.

 

Warar Xasaasi Ah Kala Soco Shabakada Caalamiga Ah Ee SURADNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here