War-Murtiyeed Iyo Qodobo Xasaasi Ah Oo Ay Soo Saareen Dhalinyarada PUNTLAND

0
351

Shirka Taageerada iyo Talo-siinta Madaxweynaha iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wuxuu ka dhacay

 

 

Xarunta Cilmi-baarista iyo Nabadda (PDRC) magaalada Garowo 12.02.2017.
Waxaana Shirka soo qaban qaabiyey dhalinyaro isla markaana waxaa kasoo qayb galay in ka badan 60 qof oo ka
kala socota bulshada qaybaheeda kala duwan sida: Ururada Bulshada Rayindka ah, Ganacsatada,Haweenka, Dhallinyarada, Ardeyda Jaamacadaha iyo Xirfadleyda.

  • Shirku wuxuu u hambalyeeynayaa una ducaynayaa Madaxweynaha cusub ee
    shacbiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
  • Shirku wuxuu u mahad-celinayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda
    Federaalka Soomaaliya sida dareenka leh ee ay uga jawaabeen rabitaanka shacabka.
  • Shirku wuxuu kula talinayaa Madaxweynaha JFS inuu soo
    magacaabo Raisul Wasaare ku sifoobey: daacadnimo iyo karti xeeldheer, kana bixi kara taalooyinkan hoos ku qoran.

■Kadib dood kooxeed cilmiyeeysan wuxuu shirku ka tala bixinayaa arrimaha soo socda:

Amaanka & Dib-uheshiisiinta:
———————-

 

 

 

  • Shirku wuxuu garowsaday in ammaanka dalka aan lagu sugi karin ciidan ajnabi oo qura,
    sidoo kale mushkiladaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin xal Soomaaliyeed, sidaa awgeed waxaan madaxweynaha JFS iyo xukuumadda soo socota kula talinaynaa in juhdi badan la galiyo heshiisyo nabadeed oo lala galo kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda Dawladda.
  • Shirku wuxuu u mahad-celiyey Dawladaha soo diray ciidamada AMISOM, wuxuuse fahansan yahay in ay lagama maarmaan tahay in la dajiyo sanadkan guduhiisa istiraatiijiyaddii bixidda ciidamada AMISOM, taas oo ay kaw ka tahay dhisidda iyo tayeeynta ciidan qaran oo isku dhafan oo leh astaan qaran.

 

 

 

  • Shirku wuxuu kula talinayaa Madaxweynaha inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisi ahaa “Barnaamijka Badbaadada Markhaatiga”, si ay bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirato ka
    hortaga dambiyada iyo la shaqaynta laamaha amaanka qaranka.
  • Shirku wuxuu kula talinayaa Madaxweynaha JFS in uu magacaabo guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka oo xaliya colaadaha iyo isfahanwaaga ka jira goballada Mudug, Galgaduud, Hiiraan & Shabeelaha Hoose iyo degmada Buuhoodle.
  • Shirku wuxuu soo jeedinayaa in la sameeyo gudi qaran oo madax-banaan oo ka shaqaysa nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, lana asteeyo maalinta nabadda Somaaliyeed.
  • In la taageero Dawlad goboleedyada jira si ay u hantaan ammaanka.
  • In la sameeyo sanduuq taakulo maaliyadeed oo bulshadu ka qayb qaadato.
  • In la xoojiyo hay’adaha nabadsugidda iyo booliska lana dhiso anshaxa ciidanka.
  • In la sameeyo siyaasadda hub-kadhigista dalka.

Dhamaystirka Dastuurka iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda:
 

 

———————————
• Shirku wuxuu garawsaday inay lagama maarmaan tahay in xili hore la sii bilaabo
dhamaystirka Dastuurka JFS si loo helo fursad loogu qaado afti dadweyne.

  • Shirku wuu ku talinayaa dhamaystirka hay’adaha heer fadaraal ee dastuuriga ah.
  • Waxaa sidoo kale muhiim ah in xili hore lasii bilaabo nidaamka dimoqraadiyeynta iyo
    furashada axsaabta siyaasadda.

Cadaaladda iyo Saraynta Sharciga:
————————–

  • Shirku wuxuu ku talinayaa in madax-banaanida dastuuriga loo ogolaado hay’adaha
    garsoonka dalka.
  • Dhisidda iyo xoojinta maxkamadaha heer Dawlad goboleed iyo heer federal, sidoo kale
    dhisidda maxkamad dastuuri ah.
  • Wada shaqaynta maxkamadaha wadanka iyo laamaha fulinta sharciga.
  • In la dhamaystiro xeerarka garsoorka.

Hormarinta Dhaqaalaha:
——————-

 

 

 

  • In la fududeeyo mashaariicda waaweyn ee abuuraya shaqooyinka,
  • In la dhiirigaliyo ganacsiga yar yar iyo warshadaha.
  • In la horumariyo wax soo saarka badda, beeraha iyo xoolaha.
  • Dajinta siyaasadda heer qaran ee dakhliga dalka.
  • In la xadido lacagta adag ee dibadda nooga baxa sida qaadka IWM.
  • In laga shaqeeyo sidii laysugu dheeli tiri lahaa dhoofinta iyo soodajinta (Import/Export).
  • In la xoojiyo shaqada baanka dhexe lays kuna xiro bangiyada Dawladda dhexe iyo state
    yada.
  • In deeqaha lagu jiheeyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
  • In la xoojiyo nidaamka casriga ee maamulka maaliyadda Dawladda lagana maamulo
    gudaha wadanka.
  • In la xakeemeeyo shaqaalaha ajanabiga ah ee laga maarmi karo.
  • In la dhiirigaliyo maalgashiga shisheeyaha.
    Adeega Dadweynaha:

Waxbarashada: –
————

 

 

 

  • Shirku wuxuu soo jeediyey midaynta man-hajka waxbarashada
    dugsiyada dalka sidoo kale in lagu saleeyo waxbarashada madaniga.
  • Shirku wuxuu garawsaday inay muhiim tahay in muwaadin kasta oo da’yar uu
    waxbarasho helo sidaa awgeed waxaan ku talinaynaa in du miisaaniyadda qoondo cad uga samayso hormarinta waxbarashada.

Caafimaadka:

 
———-

  • Waxaan ku talinaynaa daadejinta adeegga caafimaadka dalka, sidoo kale
    Dawladdu qoondo uga samayso miisaaniyadda dalka.
  • Dhisidda waaxda kaantaroolka cuntada iyo daawada lasoo dhoofiyo.
  • In Dawladdu xil iska saarto caruurta darbi jiifka ah una samayso xarumo lagu
    xanaaneeyo si aysan naftooda iyo wadan kaba khatar ugu noqon.
  • In Dawladdu xil iska saarto una dajiso siyaasad cad dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Dhallinyarada:

 
———–

  • In la dadejiyo siyaasad Qaran oo ka turjumaysa baahiyaha rasmiga ah ee
    dhallinyarada Soomaaliyeed.
  • In dhalinyarada lagu dhiirigaliyo barnaamijka iskaa-wax-uqabso sida; gurmadka
    abaaraha, difaaca dalka, la dagaalanka xag-jirnimada, saboolnimada iyo jahliga.
  • In dhallinyarada la siiyo fursad ay ugu shaqeeyaan hay’adaha Dawladda.
  • In lasoo celiyo dugsiyadii Dawladda ee farsamada gacanta.
  • In cafis loo fidiyo dhallinyarada doonaya inay ka baxaan ururadda hubaysan, iyo in
    loo sameeyo dhaqan celin iyo jihayn.

 
Wabillaahi Tawfiiq
***DHAMAAD***

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here