War Deg Deg Ah: Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Iclaamiyey Mudaharaadyo Ka Dhan Ah Mudo Kordhin Ay Guurtidu U Samayso Xukuumadda Wakhtigedii Dhammaaday Ee Siilaanyo –

0
100

waddanihargeisa(SN)Iyadoo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey mudaharaadyo lagaga soo horjeedo mudo kordhin ay golaha guurtidu u samaynayaan xukuumadda Siilaanyo,ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1 aad ee xisbiga mucaaradkaa ah ee WADDANI Axmed Muumin seed oo goordhaweyd xafiiska guud ee xisbiga WADDANI kula hadlay saxaafada ayaa iclaamiyey in maalinta beri ah ay mudaharaadyo lagu diidan yahay mudo kordhinta guurtidu qorshaynayso inay xukuumadda siilaanyo u sameeyeen uu xisbiga WADDANI dhigayo ,isagoo Axmed muumin seed ugu baaqay dhammaanba tageerayaasha xisbiga WADDANI inay maalinta beri ah ka qayb-qataan isku soo baxaa salmiga ah  ee mudo kordhin diidka ah.

Baaqan uu xisbiga WADDANI ku baqay  mudahaaradka ,ayaa ku soo aadaya xili aanay weli ku dhawaaqin qorshaynaan inay ku dhawaaqaaan,

 

Si kastaba ha ahatee waxa mudahaaraddan ay iclaamiyeen hoggaanka xisbiga WADDANI ayaa la filayaa inay maalinta Beri ah Dalka Ka Dhacaan.

 suradnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here