War Deg Deg Ah:-Wasiirka Duulista Somaliland Oo Maamulaha Madaarka Siiyey Digniintii Sadexaad Iyo Cida Lagu Badalayo

0
138

Hargeisa(SDN)war hada soo gaadhay shabakada wararka ee suradnews.com ayaa waxa uu sheegayaa in uu wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland mud maxamud xaashi cabdi uu digniintii sadexaad siiyey maamulaha madaarka Mr Dhidar oo maalmihii u danbeeyey waday arimo ka dhan ah saxaafada iyo madaxdhaqameedka dalka.

was

 

Maamulaha madaarka hargeisa Mr Dhidar oo adeegsanayey awood ciidan ayaa u diiday in ay saxaafada madax banana gudaha u gasho madaarka caasimada hargeisa ooh awl shaqo ka socotay halkaasi oo lagu soo dhawaynayey maayirka caasimada hargeisa oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa.

 

 

Madaxdhaqameedka Somaliland qaar ka mid aha ayaa iyana ka mid ahaa dadkii loo diiday in ay madaarka caasimada gudaha ugalaan iyadoo ay dheertay in maayirka caasimada hargeisa loo diiday qolka VIP ee madaxadu ku nasato taasi oo ka dhigaysa in madaarka Somaliland uu noqday meel uu maamulo qof aan aqoon buuxda u lahayn hawsha uu qaranka u hayo.

 

 

 

Wasiirka wasaarada duulista Somaliland maxamud xaashi cabdi ayaa la filayaa in uu hada ka shaqaynayo badelka maamulaha madaarka hargeisa Mr Dhidar oo hawshiisii gabay kuna tarki falay awoodiisa kaasi oo majaro habaabiyey hawsha shaqo ee madaarka hargeisa.

 

 

Warbixin dheeraad ah oo shabakada suradnews.com idiin soo gudbinayso ka daalaco 24 sacadood ee soo socda.

 

Cumar C/Risaaq Cali
Hargeisa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here