War Deg Deg Ah:- Wadahadaladii Dhicisoobey Ee Somaliland Iyo Khaatumo Oo Dib Uga Furmaya Addis Ababa Iyo Cali Khaliif Oo Hada Buuhoodle Ka Dhoofaya

0
188

Hargeya(SDN) Madaxweyne Ali Khaliif iyo wafti balaadhan oo horkacayo ayaa lagu wadaa inay saacada soo socda ka duulan Garoonka Ismail Mirre International airport ee xarunta G/Cayn ee Buuhoodle.
Waftiga Madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah xubno ka tirsan maamulkiisa.
Waxayna ku sii jeedaan magaalada xarunta u ah dalka Ethiopia ee Adis Ababa halkaasoo ay ka heleen casuumaad ka timid dalkaasi Ethiopia, wararku waxay sheegayaan in hogaamiyaha Dawladda Somaliland oo halkaas ku sugan ay kulan ay dhexfadhido Ethiopia yeelan doonaan, ayagoo ka wada hadli doona sidii dal dhex dhexaad ah loogu qaban lahaa wada hadalo dhex marka maamulka Khaatumo State iyo  Somaliland.

som

SuradNews
Hargeysa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here