War Deg Deg Ah Madaafiic Goordhaw kusoo dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho

0
180

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah oon la ogeyn halka laga soo tuuray ay kusoo dhaceyn xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo goobo kale oo ku dhaw, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay qasaare kala duwan.

bre

Labo kamid ah madaafiicdaas lasoo tuuray ayaa ku dhacday gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana mid kamid ah madaafiicdaasi uu ku dhacay goob gawaarida la dhigto oo kutaala Madaxatooyada.

 
Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaafiicdaasi ay ka dhasheen qasaarooyin , waxaana goob joogayaal noo xaqiijiyeen in hal qof uu madaafiicdaasi uu ku dhintay sidoo kale ay jiraan dad ku dhaawacmay Madaafiicdaasi.

 

Qaar kamid ah Madaafiicda lagu soo tuuray Xarunta Mdaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacday goobo ku dhaw dhaw sida Ex-Fiyoore, mana la oga ilaa hada halka laga soo tuuray madaafiicdaasi iyo waliba cida soo tuurtay.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here