War De Deg Ah Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw lagu weeraray Muqdisho

0
148

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya goordhaw lagu dhaawacay Degmada Xamar Weyn ee Gobolka Banaadir.

 
Kooxo hubeesan oo la sheegay in ay gaari wateen ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday Xildhibaan lagu magacaabo Maxamed Axmed Gurxan, waxaana wararku sheegayaan in Xildhibaanka goobta laga qaaday isaga oo dhaawac culus qaba .

 
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ayaa u xaqiijiyay Shabakada Allbanaadir.com in Xildhibaanka ay weerareen rag hubeesan oo gaari watay, waxa uuna intaa raaciyay in Xildhibaanka loola cararay Isbitaal uuna soo gaaray dhaawac culus.

 
Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobtii lagu weeraray xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Wararka soo baxaya sheegayaan in ay baxsadeen kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Warrakayag Dambe Insa Allah

 

Sources:- Allbanaadir.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here