“Wallaahi Qof Bina Aadam Ah Ka Yeelimaayo Nabaddaan Xidhey Inuu Baabi’iyo Oo Jabiyo”Wasiir Xagla-Toosiye.

0
145

Maygaagle(SDN)Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Xaglotooiye ayaa kormeero ku soo maray deegaanada Sool-Joogto iyo Maygaagle oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Buuhoodle ,waxaana uu ka hadlay inay jiraan dad nabadgelyada jecel”Dadbaa jira fahmay nabaddu waxay tahay,dadbaa jira doonaya inay nabad ku noolaadaan inta ay nool yihiin,maxaayeeley colaadda waynu naqaannaa”

 

 

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Xaglotooiye isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “Sidaas oo kale waxaa jira kuwo colaad u taagan,oo doonaya colaaddii iyo mugdigii inay deegaamadan ku soo celiyaan,kuwo hadlay oo maati doox ku baaqay baa jira oo colaad xun ku baaqay,maatida la dooxayaana waa kuwiina”Ayuu yidhi Wasiir Xaglatoosiye.

 

 

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Xaglotooiye ballan ku qaaday inaanu ka yeelan shakhsi ahaan iyo xukuumadda Somaliland-ba cid kasta oo ku soo xad-gudubta ama waxyeeleysa nabadda deegaanadaas “Waxaan idiin balllan qaadayaa anigoo shakhsiya iyo xukuumadda aan ka tisanahay labadaba inaan idinkula shaqeyneyno,oo idinkula dadaaleyno in nabaddaa cidina idinka qasin”Ayuu yidhi Waiir Xaglatoosiye.

 

Geesta kale Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Xaglotooiye ayaa si adag uga hadlay inaanu ka yeeleyn cid kasta oo ku soo xadgudubta nabadda deegamaasi”Wallaahi qof bina Aadam ah ka yeelimaayo nabaddaan xidhey inuu baabi’iyo oo jabiyo”Ayuu yidhi Wasiir Xagltoosiye.

 

 

Sidoo kale wasiir Xaglatoosiye ayaa ka codsaday shacabka ku nool deegaamada Sool-Joogto iyo Maygaagle inay ilaashadaan Nabaadda”Idinkana waxaan idinka cosanayaa inaad ilaashataan (Nabadda ) oo aan laynagaga ciyaarin,ballanteennu waxa weeye nabad iyo horumar”Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Xaglotooiye.

 

Sources SOMALILAND LIVE

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here