Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo kulan degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha Amisom

0
198

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ahna Madaxa Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Amisom ka jooga Somalia.

Francisco Madeira ayaa Saraakiisha kala hadlay suuragalnimada in Kooxda Alshabaab ay weerar ku fuliso dareeska Ciidamada Amisom, waxa uuna Mr Francisco Madeira sheegay in Taliska Amisom ay heleen xog la xiriirta in Alshabaab ay qaadi doonto weerar loo adeegsado Dareeska Ciidamada, taasi oo meel uga dhaceysa sumacad Amisom.

 

Francisco Madeira waxa uu Saraakiisha usoo jeediyay in si dhaqsi ah lagu taakuleeyo amaba Tababar lagu siiyo Ciidamada Xooga Somalia ee Militeriga si uu yiri ay u qafiifiyaan wax waliba oo suuragalinkarta in Alshabaab ay u adeegsadaan agabka ama dharka ama weerar ay ku qaadan xarumaha amisom.

Francisco waxa uu sheegay in Taliska Amisom uu wax muhiim ah u arko in la dhiso oo la xoojiyo Ciidamada Somalia, taa oo sahleysa in guul laga gaaro dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Madeira, ayaa Saraakiisha Amisom kula dardaarmay in sida ugu haboon uguna macquulsan inay ciidan ugu tababaraan Somaliya.








 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here