Wakiiladda Iyo Shaqaalaha Dahabshiil Baank Ee Somaliland Iyo Somalia Oo Loo Soo Xidhay Kulan Aqooneed, Oo Ay U Qabatay Hay’adda Caalamiga Ah Ee Al-Macaad Consultenty Group

0
171

Hargeysa(SDN) Shaqaalaha Iyo Wakiiladda Dahabshil Bank Ee  Somaliland Iyo Somalia Oo Ka Badnaa 35 Xubnood, Waxa La Baraayey Mudadii Uu Socday Tababarka Ku Saabsan
Maamulka Bangiyadda Islaamiga Ah.

is

35 Xubnood oo Wakiiladda iyo Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil Bank ee Somaliland iyo Somalia ka kala yimid, ayaa Magaaladda Hargeysa loogu soo xidhay Tababar Caalami ah oo ay bixinaysay Hay’ad lagu magacaabo Al-Macaadi Consultant Group , kaasi oo lagu baranaayey  dhinaca adeegyadda Maamulka
Bangiga Islaamiga ah.

Tababarkan oo mudo Saddex Maalmood ah ka socday Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, kana qaybgeleen 35 Xubnood oo iskugu jira Wakiiladda iyo Shaqaalaha Dahabshiil Bank oo ka kala socday Deegaanadda dalalka Somaliland iyo Somalia, ayaa aqoon korodhsigan oo ay bixinayeen Macalimiin iyo Khabiiro ka socday Shirkadda Al-Macaadi Consultant Group ee fadhigeedu yahay Magaaladda Dubia ee dalka Imaaraadka,

 

isl

 

waxay shaqaalahaasi ku baranaayeen nidaamka maamul iyo hawlaha shaqo ee Bankiyadda Islaamiga ee dunidu u hawlalaan uguna adeegaan Macaamiisheeda iyada oo xidhitaankii tababarkaasi ay ka qaybgaleen Madaxa Maalgelinta Banka Dahabshiil International Bank

 

CabdiXakiim Maxamed Ismaaciil, Maamulaha Guud ee DahabShiil Bank Maxamed Socood awaale, Wakiilka Magaaladda Muqdisho ee Dahab-Shiil International Bank  Cabdilaahi Nuur iyo Masuuliyiin iyo Khabiiro ka socday Al-Macaadi Consultant Group isla markaana ka mid ahaa barayaashii bixinaayey aqoon korodhsigaasi Shaqaalaha iyo Wakiiladda Dahabshiil Bank loo soo xidhay.

Madaxa Maalgelinta Banka Dahabshiil International CabdiXakiim Maxamed Ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlay Tababarkan loo soo xidhay Shaqaalaha  iyo Wakiilada Somaliland ,Putland iyo Somalia ee Dahabshiil Bank oo halka ka hadlay waxa uu yidhi “Run ahaantii maanta oo ah maalin Isniin ah bishuna ay tahay 21/03/2016 waxa la soo gabagabeeyey aqoon is-waydaarsigani socday mudada sadexda cisho ah kaasi oo wax badan laga korodhsaday.

 

Geesta Kale waxa hadalka iskaga daba maray qaar ka mid ah shaqaalaha ka faaiidaysanayey aqoon iswaydaarsigani ay bixinaysay  Al-MacaadiConsultant Group, kuwaasi oo mahadnaq balaadhan u jeediyey  shirkada Dahabshiil iyo waliba macalimiintii kala duwanaa ee bixinayey aqoon iswaydaarsigan.

 

Madax sarsare oo ka socotay Al-Macaadi Consultant Group oo iyana ku dheeraaday ahmiyada ay leeyihiin kulan hawleedadani gaaban iyo faaiidada ay u leedahay shaqaalaha si ay raaligalin iyo nidaam wanaagsan ugu adeegaan macamiishooda kuwaasi oo ku dhiiri galin iyo guubaabo balaadhan  u jeediyey Dhamaan masuuliyiintii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay kulan hawleedkaasi.

 

Gabagabadii waxa halkaasi shahadooyin lagu gudoonsiiyey Dhamaan shaqaalihii ka soo qayb galay aqoon iswaydaarisgaasi, waxaanu ku soo dhamaaday kulan kaasi aqoon iswaydaarsiga ah jawi farxadeed oo dagan waxaanu ahaa mid si meeqaam sare loo soo agaasimay, waxaanay u muuqatay mid juhdi faro badan iyo dadaal dheeraad ah la galiyey.

 

islamic 1da1islaislamic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here