Wafti Uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Soo Gaadhey Magaalada Berbera Iyo Dadweynaha Rer Berbera Oo Soo Dhaweyn Dhoolatus Ah Ku Qaabilay

0
177

Berbera(SDN)Waftigii SAM-WADE ee uu hogaaminaayey gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro oo saaka magaalada Hargeysa ka soo anba baxay ayaa  soo gaadhay xarunta gobalka Saaxil Ee Berbera

9a

Gudoomiyaha ayaa waxaa afaafka hore ee Magaalada Barbera waxaa kaga hor tagtey mawjado tageerayaal ah waxaana ay gudoomiyaha uu soo  galbiyaan  dhinca magaalada iyaga oo dadweynahani  gudoomiye Ciro u sameyeen soo dhaweyn  u muuqata  doolatus iyo  iyaga   banaankana soo dhigtey  taageerada xisbiga Waddani ku leeyahay magaalada Berbera

4a

Muddane Ciro oo markii uu magaalada soo gaadhay dadweynaha kala Hadley meel fagaare ah waxaa uu u sheegay  in uu marka hore uga mahad celinaayo soo dhaweynta qiimaha badan ee  ay ku qaabileen dad weynaha ku nool magaalada uu ka soo jeedo ee Berbera waxaana uu sidoo kale gudoomiye Ciro uu dadweynah rer Berbera iyo guud ahaanba gobalka Saaxil  ku dar daaray in ay  si wacan Isku diwaan galiyaan isla markaana ay qaatan kaadhka cod bixiyaasha taas oo dhawaan ka bilaabmi doona gobalka Saaxil

1a

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka   Hadley masuulyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ,Xoghayaha dhalinyarada Rood , xildhibaano ka tirsan golaha deeganka Berbera  , madax dhaqameed , dhalinyaro iyo haween waxaana ay sheegen in ay gudoomiyaha ku soo dhaweynayaan magaaladii uu u dhashey ee Berbera isla markaana dadka rer Berbera ay tageeradooda la  garab istaagi doonan xisbiga Waddani


2a
3a
5a
6a7a8a
10a
11a12a13a14a15a16a17a18a19a20a

Ilaysnews/Berbera Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here