Wafti Uu Hogaaminaayo Cabdiraxmaan Saylici Oo Hargeysa Ka Dhoofay , Bulshada Oo Aan Loo Cadeyn Ujeedka Safarkaas Iyo Xogo Aanu Ka Helnay

0
237

Hargeysa(SDN)Waxaa saaka garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ka dhoofay wafti wasiiro ah oo uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici .

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Waftigan oo ku sii jeeda magaalada Dubai ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirada, Arimaha Dibada, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhiga, Xidhiidhka Golayaasha, iyo Wasiir Ku xigeenada, Madaxtooyada, Maaliyada.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo safarkaasi ka hadley bulshada si cad ugumuu sheegin sababta iyo ujeedka ay waftigan uu hogaaminaayo ay imaraadka u tagayaan marka laga reebo in uu ku soo koobay “hawl qaran ayanu u baxeynaa ”

 

Balse xogo aanu ka helayno ujeedka rasmiga ah ee waftigani ay Imaraadka u tagayaan ayaa waxaa ay sheegayan in ay tahay arinta Saldhiga Military ee dalkaasi laga Siiyey  magaalada Berbera

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, wedding

Image may contain: 1 person, sitting, beard and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here