Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda JSL Ayaa Gaadhay Magaalada Ceerigaabo

0
95

Ceerigaabo(SDN)Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda cadaaladda JSL Pro Cabdirisaaq Cali Cabdi oo ay ku weheliyaan wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha ayaa soo gaadhay caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, halkaasi oo ay kaga qayb galayaan xuska munaasibada 18 May oo dhici doonta maalinta bari ah.

Waftigan balaadhan ayaa waxa duleedka magaalada Ceerigaabo ku soo dhaweeyey Maayirka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo waliba madax dhaqameed iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here