Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Ururka Midawga Jaamacadda Carbta Oo Soo Gaadhay Magaaladda Hargeysa+Sawirro

0
214

Hargeysa(SDN)Wafti balaadhan oo ka socda ururka jaamacadda carabta oo soo gaadhay magaalada hargeysa kaasi oo u jeedkiisu yahay qaar ka mid ah jaamacaddaha dalka oo ay qiimayn ku samaynayaan si ay uga mid noqdaan ururka jaamacadda carabta, ururkani oo ay ku bahoobeen in kabdan 300  jamacadood ayaa lagu tiriyaa ururada xaga jaamacaddaha ugu miisaanka culus.

 

Waxa waftigani soo dhaweeyey masuuliyinta wasaaradda  waxbrashada iyo tacliinta sarre, Wasiiru Dawlaha wasaarada waxbarashada mud  iyo Agasimaha Tacliinta sarre Yusuf Axmed Cali, waftigani oo ay tayahay markii labaad ee ay soo gaadhaan dalka ayaa waxay safar ku soo mari doonaan jaamacaddo ku kala yaal Gobolada Awdal, Togdheer Iyo Sool safarkani oo badi noqon doona mid kormeer oo ay ku soo gaaraa bixin doonaan habka maamul ee ay u socdaan hawlaha waxbarasho ee jaamacadaha ka qaybta noqon doona ururka jaamacadda carabta.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Mud Yusuf Axmed Cali Kaasi oo sheeg ay inay guul wayntahay in laysku xidho jaamacadaha dalka iyo ururka midawga jaamacaddaha carabta kaasi oo noqnaysa midho dhal ay manaafacaadsadaan da’yarta soo kacaysa helaana deeqo waxbarasho, waxa kale oo uu u mahad naqay Waftigani uu hogaaminayo Dr. Suldan Abu Curabi oo ah gudoomiyaha ururka Midowga Jaamacadaha Carbta.

 

 

Geesta Kale waxa halkaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada Mud: Maxamed Xaaji Aaadan Kaasi oo isna si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey waftigan ka socday ururka midawga jaamacadaha carabta waxaanu sheegay in ay xidhiidh facwayn leeyhiin somalilaannd iyo waddamada carabta, wasiiru dawalaha wasaarada waxbarashadu waxa uu intaasi ku daray in ay u mahad naqayo waftigani oo ay tahay markii labaad ee ay somaliland hawlo shaqo ku imaadaan.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Dr. Suldan Abu Curabi gudoomiyaha ururka Midowga Jaamacadaha Carbta, oo ka mahad celiyey sida balaadhan ee loogu soo dhaweeyey somaliland sheegayna in ayna ahayn markii ugu horaysay ee ay somaliland imaadaan waxaanu sheegay in uu safar ku tagi doono jaamacaddo ay ka mid tahay jaamacada Camuud ee Gobolka Awdal.

 

 

Waftigani oo ka kooban afar xubnood oo ah masuuliyiinta ururka Midawga jaamacadaha Carabta, gudoomiyaha ururka Midowga Jaamacadaha Carbta, Xoghayaha Midowga Jaamacadaha Carbta iyo masuuliyiinkale, Waftigani oo la rajaynayo in ay ku sugnaan doonaan mudda afrta cisho ee soo socda kuwaasi oo booqan doona jaamacaddo dhawr ah.

IMG_5719
IMG_5708 IMG_5695 IMG_5712 IMG_5708IMG_5714IMG_5735IMG_5723IMG_5743IMG_5729

Surad News
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here