Wadaadkii Sadaxaad oo lagu dilay Magaalada Baydhabo iyo amaanka Magaaladaasi oo faraha kasii baxaya

0
185

Waxaa xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay mar kale lagu dilay mid kamid ah Culumaa’udiinka ugu caansan Magaaladaasi, amaanka Baydhabo ayaana u muuqda mid maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay.
ak

Kooxo Hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa xalay gurigiisa ku dhax dilay Sheekh Aadan Macalin Cabdullaahi oo dadka qaarkiis ay u yaqaanaan Sheekh Aadan Wariisho , waxaana wadaadkan la dilay uu ahaa Imaamka masjid kuyaala Magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Macalin Cabdullaah , waxa uu kamid aha Cululumaa’udiinka sida weyn looga yaqaanay Magaalada Baydhabo , waxa uuna wadaadkan uu ahaa Imaamka Masaajid weyn oo kuyaala Magaalada Baydhabo.

Wadaadkan xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo ayaa noqonaya kii sadaxaad ee maalmo gudahood lagu dilo Magaalada Baydhabo, waxaana horey Magaaladaasi loogu dilay Culumaa’udiinka kala ah Sheekh Shariif Siid Cali, iyo Sheekh Soor-madaare.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa sii xumaanaya xiliyada habeenkii ah, waxaana Magaaladaasi kusoo kordhay beegsiga iyo dilalka loo geesanayo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed taa oo cabsi badan galisay shacabka iyo culumada kunool Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here