Waa Yaabee Lo’deena iyo Dowlada Kenya Goormay Wada Dagaaleen !!!!

0
234

Markasta oo ay AL.shabab weerar ka geystaan dalka Kenya waxaan maqalnaa maalin kadib diyaaraddaha ciidamadda Kenya ayaa duqeyn ka geystay gobol hebal gaar ahaan goboladda dhaca dhanka xuduuda Kenya ay dalkeena la wadaagto.

Waxyar kadib ayaa la maqlaa odayaal qeylinaya oo dhahaya xoolo badan ayaa nalaga laayay kuwaas oo dalbanaya in mag dhaw laga siiyo xasuuqa loogeystay xoolahooda.

Dowladda Kenya kama laba labeyso in ay dhahdo waxaan bur burinay xerooyin Al. Shabaab ay ciidamadda ku taba bartaan, shabaabna waqti kuma qaadato in ay ku jawaabaan Kenya beero dad masaakiin ah ayey baabi; iyeen.

Weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al.shabaab ay ku qaadeen Jamacadda Garissa, oo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafay 147 ruux waxa ay I xasuusisay sida jawaabta Kenya ay u ektahay waxaana durbadiiba ku fikiray in aan arintan wax ka dhaho.

Gabaygaan waxaa keenay inaan alifo markii ciidamada Kenya ay duqeymo u geysteen dadka xoolo dhaqatada ah oo ku nool Gobolada koofureed ee Dalka kadibna ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan Shabaab.

Dadkii duunyada dhaqan jirey wada duqeeyeene
Beerahana inaad dumisaan seed ku damacdeen?
Lo’deenana kenya goormay wada dagaaleen?
Shabaab hadaad dili kartaan dood ma dhalateene
Duurkiinay idinla dagaan kuna dakeeyaane
Maa ka doontaan halkaas damaq ma beermeene
Ducafada Nairobi daganeed waaba dubateene
Dalkooda kuwii joogana waad ku darateen?
Duulaankaas qaawan aniga wayga dagi waayay
Dakanaad naga rabtaan sidaan dareemaayo
Dahab maan idinka haysanaa maa nadaysaan?
*************************************

Madaxda Dowladdeenaa dayaca noo keenay
Dowrkii laga rabay bada maryeeyeene
Dulmiga shisheeyahay daawaan abide
Doolaalada kenyana wayska daayeene
Dood bilaash ah bay daba wareegaane
Danta guud dollar bay ka doorteene
Intay dirirayaan may daafacaan shacabka?
Daar qurxoon intaad haysatoo diif ka cararyso
Ama Dabaq saarantihiin daahe danihiiye
Diracnimo muujiyoo madaxa soo duubta
Digtoonaada saan waa lagu dulloobaaye
**************************
AMISOM baan hadana baaq u dirayaaye
Dalka markaad soo gasheen Diin xuma timide
Duf ku bexee kufsigaa nooga sii darane
Dadka inaad daalisaan laydinma soo daadin
Dullinimo inaad noogu dartaan daw idin ma’ aha
Dabool lama saari karo waxuu dumiyay Kenyaane
Daab inay nala dhacaan daacidnimo maahan
Duqowshi iyo dadweyn bey hub ku daadsheene
Ari dibaax sidiisey laba dibleeyaane
Mana daahno oo way daabacahayaane
Dowladdaa ku doodee inay daqaro noogaysay
Intaan la dacaroon oo laysku soo didinin
Dabarka ka daaya dadkaan way ku daaleene
***********************************
Doorkii dadkeyga baan u soo dagaye
Adinoo dabar ku jiraad sacab ku deeqdeena
Qabyaalad baa idin dooxday oodku daahdeene
Qalbigaa ku daabacdeenoo waa la daristeene
Waana idinku durugtoo waa ku dawaqdeene
Daacuun inuu ka daranyahaa cidina diidayne
Dibudhac baan ahaan hadaan daalib ku ahaano
Dooxato iyo tuug baad daajisiin ebide
Rag idin diiranayaad dood u qabatiine
Dabaadiga yaree haray aan isku soo duubno
Dabacna isku muujiyoo dirirta soo kooba
Illaa aad isdaysaan cadawgu waydin dagayaaye
Soo dibad boxoo midnimo aanu wada doono
Daaimkaa awood leh dab damiska waydiista.

W/Alifay: Mohamed Deik taako
Deeqaxmad15@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here