Waa Maxay Xalka Laga Gaadhay Khilaafkii Mudaharaadka Sababay Ee Soo Kala Dhex Galay Shirkada Dp World Iyo Shaqaalaha Dekeda Berbera

0
272

Hargeysa(SDN)Wasiirada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo guddigii labada dhinac ee Shirkada Dp World iyo Shaqaalaha dekeda Berbera ka socotay oo labadii cisho ee u danbeeyey wada hadal uga socday xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa maanta soo gabagabeeyey wawda hadalkaasi.

Waxaana wada hadalkan uu dhashay kadib markii khilaaf mudaharaad sababay uu soo kala dhex galay masuuliyiinta shirkada Dp World iyo shaqaalaha dekeda Berbera taas oo la isla gartay in labada dhinacba ay iska soo xulaan guddi uga qayb gasha wada hadalka lagu xalinayo khilaafkan,waxaana labada dhinacba ay iska soo xuleen guddigaasi.

 

 

 

 

Hadaba wasiiradii guddigan wada hadalka xalinta ah kula jirey iyo masuuliyiintii kale ayaa waxay ka warbixiyeen waxa lagu xaliyey khilaafkaasi soo kala dhex galay shirkada Dp World iyo shaqaalihii dekeda Berbera oo sababay in ay hakad gasho shaqadii dekedu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here