“Waa In Aad Madrid U Siibtaa Koofiyadaada!”, – Pep Guardiola Oo Ammaan U Hibeeyey Los Blancos

0
510

Walow aysan ahayn wax ay jecleysan doonaan taageereyaasha Barcelona, hadana Pep Guardiola kama gaabin in uu amaano bandhigyada Real Madrid ee Champions League.

 

Los Blacos waxa ay ku guuleysatay saddex Champions League oo xiriir ah halka ay afar qaaday shanti sano ee ugu dambeeysay.

 

“Waa cajiib, waa in aad koofiyadaada u siibto,” ayuu ku sheegay badhig dhaqami ahaa oo ay qabatay ha’ayada Johan Cruyff taas oo dhacday arbacadii,“Wax macno leh ma laha haddii ay u qalmaan iyo in kale maxaa yeelay aad bey u adag tahay in la sameeyo wixii ay sameeyeen.

 

“Waxa ay soo bandhigeen tayadooda, waxaana rejeynayaa in aan iska hortaagno in ay kii afraad oo xiriir ah qaadaan Zidane waxa uu sameeyey shaqo aad u weyn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here