Uruurka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ ayaa Canbaareeyay labba Wariye oo Muqdisho Iyo Ber-bera Ku Kala Xidha

0
227

Muqdisho(SDN)Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaaraayay xadhigyo is xig-xiga oo labo weriye xabsiyada Muqdisho.

 

 

iyo Berbera loogu taxaabay maalmihii Salaasada iyo Arbacada ee la soo dhaafay, iyadoo ururku ku baaqay in si shuruud la’aan wariyayaasha lagu sii daayo, laguna ixtiraamo weriyayaasha howsha adag ee naf hurnimada ah ee ay ugu adeegayaan Shacabka.

 

 

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Federalka ah in si deg deg ah loo sii daayo weriye Cabdifatax Xasan Kalgacal oo subaxnimadii Saalasadi, 31 March 2015 ay ciidamada Booliska gurigiisa ka soo kaxeysteen, iyadoo loo gudbiyay Xarunta dembi baadhista oo maalintii Saddexaad uu ku xidhan yahay, iyadoo laamaha amniga weli aanay ka hadal arrinta weriyaha iyo sababaha loo soo xidhay toona.

 

 

Weriye Kalgacal waxa uu ahaa weriyaha Baarlamaanka uga soo warama Idaacadda Goobjoog, isla markaana ah weriyaha keli ah ee isagoo “indho la’aan ah” xirfadda warbaahinta ugu shaqeeya si waafaqsan Anshaxa Saxaafada.

 

 

“Weriye Kalgacal waxa uu xabsiga ku jiraa maalintii sadexaad, Iyadoo sabab uu xidhan yahayna aanu boolisku caddeynin,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa intaa ku daray, “Weriye Kalgacal waa weriye ku dhiiraday in isagoo indho la’aan ah uu Shacabka ugu shaqeeyo mihnaddan xanuunka badan, sidaasi darteed, Ciidamada Boolisku waan ognahay shaqo aad u adag ayay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan, balse xadhigga weriye Kalgacal muuqaal aan wanaagsaneyn ayuu ifinayaa.

 

 

Dhanka kale, Policeka degmada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay maalintii 01 July, 2015 weriye Axmed Siciid Maxamed oo ah wariyihii Kalsan Tv Ee Berbera, waxaana maanta maxkamada degmada Berbera ay amartay in 7 maalmood lagu hayo xabsiga. Weriyaha ayaa loo xidhay warbixin la xidhiidha ismaandhaaf soo kala dhex galay maamulka dekedda iyo wasiiradda Maaliyadda, “In la iska xidho weriye gudanaya waajibkiisa saxafinimo ee ah in uu bulshada wargeliyo, waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, Kan dowladda Federalka iyo heshiisyada heer gobol iyo heer caalami ee damaanad qaadaya xorriyadda hadalka oo ay Somalia qeyb ka tahay,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa yidhi, isagoo ku baaqay in ay weriye Axmed Siciid xorriyaddiisa si shuruud la’aan ah loogu soo celiyo, lagana daayo weriyayaasha xadhigyada aan loo meel deyin ee looga gol leeyahay in lagu cabudhiyo xorriyada Saxaafada, dhanka kalena lagu khalkhal gelinayo suxufiyiinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here